“Farriin baan kaaga sidaa MW Putin” – Ruushka oo hoggaamiye Afrikaan ah u diray MW Ukraine

0

(Kyiv) 27 Okt 2022 – Umaro Mokhtar Sissoco Embalo, Madaxwaynaha dalka Guinea-Bissau, ayaa sheegay inuu Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin uu ka codsaday inuu ka gaarsiiyo “farriin” Madaxwaynaha Ukraine ee Vladimir Zelensky, taasoo ku saabsan muhiimadda “wadahadal toos ah” oo dhexmara Moscow iyo Kiev.

Embalo ayaa arrintan ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah Zelensky ugu qabteen magaalada Kiev, hal maalin uun kaddib markii uu la kulmay MW Putin.

“Walaalkayga qaaliga ah, shalay waxaan kula sugnaa Ruushka Madaxwayne [Vladimir] Putin, kaasoo iga codsaday inaan kusoo gaarsiiyo farriintan, si uu kuula hadlo, anigoo tixgelinaya in wadahadal toos ihi uu muhiim u yahay mustaqbalka ficilada wadajirka ah ee aanu ku dhaqaaqayno,” ayuu yiri Embalo.

Fiidiyowga shirka jaraa’id ayaa lagu daabacay kanaalka Zelensky ee Telegram, iyadoo Embalo hadalladiisa loo turjumey afka Yukreeniyaanka.

Madaxwaynaha Guinea-Bissau ayaa sidoo kale daaha ka qaaday inuu isu arko inuu yahay nin gacan ka gaysanaya soo celinta xiriirka Ruushka iyo Ukraine.

Kahor inta uusan la kulmin Zelensky, Embalo ayaa u sheegay saxafiyiinta in uu ogaadey in Putin “uu aad ugu furan yahay in uu la xaajoodo Madaxwayne Zelensky” iyo in uu rajaynayo “inuu u gudbiyo niyad wanaaggan” hoggaamiyaha Ukraine.

Zelensky, oo ka jawaabaya shirka jaraa’id ee Embalo, ayaa se sheegay in si loo dhiso buundooyinka xiriirka u dhexeeya dalalkan, “aysan ahayn in la qarxiyo kaabayaasha”, isagoo tixraacaya weerarka ay Ruushku ku qaadeen Ukraine kaddib qarxintii Buundada Crimea.

Hadalsame Media