GANTAAL ”CAQLI” LEH: Turkiga oo sameeyey gantaal kaligii is wadaya oo ay dhib badan tahay in la qabto + Sawirro

0

(Hadalsame) 28 Okt 2022 – Mashruuc ay iska kaashadeen shirkadda hormuudka ka ah Turkiga dhanka soo saarista daroonnada taatikaalka ah ee yar yar ee STM, iyo tan gantaalaha soo saarta ee Roketsan, ayaa sameeyey gantaal iskii u howlgelaya (smart), kaasoo u shaqaynaya sida daroonka is miidaamiya kamikaze-ga drone, ayaa markii hore lagu soo bandhigay carwo.

Labada shirkadood waxay cududooda isku biiriyeen si ay u sameeyaan gantaal loo yaqaan ‘Alpagut’, kaas oo ka rakhiisan kana waxtar badan gantaalka kuruuska.

Alpagut, oo shaqayn kara habeen iyo maalin, waxaa loogu talagalay inuu si wax ku ool ah u duqeeyo bartilmaameedyada socda iyo kuwa neg intaba, sidoo kale bad iyo berriba, raadaarrada, hannaanada isgaarsiinta, gawaarida gaashaaman iyo xarumaha adag sida talisyada.

moobilka ama bartilmaameedyada dhulka iyo badda, raadaarka iyo nidaamyada isgaarsiinta, kuwa dhulka ama gaadiidka badda ee fudud, iyo xarumaha muhiimka ah sida xarumaha taliska ciidanka.

Gantaalkan, oo yeelan doona gacan howleed gaaraya 60 kiiloomitir (37 mayl), islamarkaana hawada ku jiri kara waqti ka badan 60 daqiiqo isagoo sida madaxyo noocyo kala duwan leh, ayaa loo isticmaali karaa keli keli iyo raxan ahaanba.

Alpagut waxa uu ogaan karaa bartilmaameedkiisa iyada oo aan la dareemin waxaana ku rakiban qalab uu wax ku raadiyo, waxaa ka daran inaan la jaam garayn karin. Marka uu Bartilmaameedka helo wuxuu shiishkiisa ku saxayaa agab ku xiran oo aad u saxan, isagoo loogu talagalay qaabka in la gano kaddibna uu howshiisa isagu qabsado inta badan (fire-and-forget).

Waxaa dheer inuu sugi karo oo uu hawada ku jiri karo inta uu raadinayo bartilmaameedkiisa isagoo ku soconaya joog hoose si uu raadaarrada uga dhuunto, isagoo bartilmaameedka beegsanaya kaliya marka uu meeleeyo halka uu joogo.

Bartilmaameedyada qarsoon ayuu sidoo kale heli karaa isagoo adeegsanaya hannaanka kul-aragga ah iyo laysar, isagoo cidda adeegsanaysa ka caawinaya inuu shaqadii qabto iyadoo aan halis la gelin agabyo qaali ah sida maraakiib dagaal, miigag iwm.

Alpagut ayaa la filayaa in lagu xiro diyaaradaha Turki-sameega ah sida Akıncı, Aksungur, Anka iyo Bayraktar TB3 UCAVs, Gökbey iyo helikobtarrada Atak-2; sidoo kale gawaarida gaashaaman, sidoo kale maraakiibta badda sida MILGEM (Maraakiibka Qaranka) Corvettes-ka-yada iyo maraakiibta badda ee aan duuliyaha lahayn.

Hadalsame Media