Laacib ka tirsan kooxda Arsenal oo si xun middi loogu dhaawacay + Sawirro

0

(Hadalsame) 27 Okt 2022 – Daafaca kooxda Arsenal ee Pablo Mari ayaa middi lagu weeraray suuq wayn oo ku yaalla dalka Talyaaniga, sida ay sheegayaan wararka maxalliga ihi.

Arrintan ayaa la sheegay inay ka dhacday dukaanka silsiladda ah ee Carrefour oo ku yaal xarunta wax iibsiga ee Milanofiori di Assago saacadu markay ahayd 6:30 galabnimo ee Khamiistan.

29-jirkan oo hadda qaab amaah ah ugu ciyaara kooxda Monza, ayaa ka mid ahaa lix qof oo lagu weeraray meel u dhow magaalada Milano, iyadoo afar la sheegay inay xaaladdoodu halis tahay.

Labo qofood ayaa la sheegay in ay xaaladdoodu aad u liidato, halka Mari aan weli la ogayn xaaladdiisa.

Qof goobjooge ah ayaa u sheegay La Repubblica: ‘Waxaan joogney baarka waxaan u malaynay inay dhac tahay, sababtoo ah waxaan aragnay wiilal iyo gabar cararaya, kaddib waxaan aragnay dad badan oo ay wejiyadooda murugo ka muuqato, waxaana ogaaney inay wax culusi dhaceen.’

Hadalsame Media