Ruushka oo magacaabay 2 dal oo uu ku qaadi karo weerar nukliyeer ah (Arrin halis ah oo aad loo hadalhayo)

0

(Hadalsame) 26 Okt 2022 – Khabiir sare oo ka tirsan millateriga Putin ayaa ugu hanjabey Britain iyo Maraykanka labadaba weerarro Nukliyeer ah xilli ay jirto sheegashada Ruushka ee ah in Ukraine ay diyaarisay riditaanka waxa loo yaqaan “bam wasakhaysan” oo qaraxyo caadi ah oo lagu daray kaah-fal halis ah.

Korneyl Igor Korotchenko, oo ah tifaftiraha guud ee majaladda difaaca qaranka ee Ruushka, ayaa u sheegay TV-ga qaranka in Vladimir Putin ay tahay in uu weeraro gantaalka culus ee baalistigga ah ee nukliyeerka xambaara ee Topol-M kaasoo lala eeganayo bartilmaameedyada millateri ee labdan dal ee reer Galbeedka ah.

Korotchenko waxa uu ku andacoodey in weerarrada noocaan ihi ay noqon doonaan kuwa aargoosi u ah waxa uu ku tilmaamay fali laga filayey NATO.

Warkan ayaa imanaya xilli ay khubarada Ruushku ay sheegeen in ”bam wasakhaysan” la ridi doono taasoo aysan ka marnayn gacanta reer Galbeedku si Ruushka loogu eedeeyo inuu adeegsadey hub mamnuuc ah.

Ha yeeshee, Ukraine iyo reer Galbeedka ayaa iyana sheegtay inay tuhunsan yihiin in ciidamada Putin ay qorshaynayaan weerar loo adeegsanayo isla ”bambaanada wasakhaysan”, taasoo ay doonayaan inay ku eedeeyaan Kyiv iyo NATO.

Hadalsame Media