Xildhibaanno ay ku jirto Ilhaan Cumar oo ay Ukraine qoorta isu galeen (Maxay Ukraine ka carootey?)

0

(Hadalsame) 26 Okt 2022 – Maalin uun kaddib markii la faafiyey warqad ku baaqaysa in diblomaasiyad lagu xalliyo colaadda Ukraine, ayay Xil. Pramila Jayapal (D-Wash.) ay soo saartay bayaan ka noqosho ah iyadoo dadka la shaqeeya ku eedaysay inay sii daayeen dukumeentiga “iyaga oo aan si wanaagsan u hubin.”

Bayaanka, waxay Jayapal ku doodday in waqtiga warqaddu kusoo beegantay ay khalad ahayd marka la eego hadalladii dhowaan kasoo baxay xubnaha Jamhuuriga ku metela Koongarayska sida Hoggaamiyaha aan aqlabiga ahayn ee Aqalka, Kevin McCarthy (R-Calif.), kaasoo soo hadalqaaday dhimista gargaarka Ukraine haddii ay Jamhuurigu qabsadaan Aqalka doorashada xilliga dhexe ee soo socota.

“Dagaal kastaa wuxuu ku dhamaadaa diblomaasiyad, kanna wuxuu sidoo kale ku dhamaan doonaa sidaas guusha Ukraine kaddib,” ayay ku doodday, iyada oo xustay inay aqbasho mas’uuliyadda xumaanta warka lasii daayey marka la eego doorkeeda hoggaamineed ee Kooxda Isbeddeldoonka ah ee Progressive Caucus. (Dhammaan 30-ka saxiixayaasha ah ee warqaddu waxay ka tirsan yihiin kooxdaasi.)

Ka laabashada ayaa timid kaddib markii Jayapal iyo xulafadeeda isbeddeldoonka ihi ay la kulmeen cadaadis ba’an oo kaga yimid dad badan oo warbaahinta ka tirsan iyo siyaasiyiin, kuwaasoo ay ku jiraan qaar ka tirsan Kutlada Isbeddelkoonka ah laftooda, kuwaas oo ku dooday in warqaddu ay hadiyad u ahayd xisbiga Jamhuuriga kahor doorashada xilliga dhexe.

Waxaa dadka warqadda saxiixay ka mid ah Ilhan Omar (D-Minn.), Mark Pocan (D-Wis.), iyo Sara Jacobs (D-Calif.) — kuwaasoo ku dooday inay warqadda saxiixeen bilo badan kahor islamarkaana aanay ka warqabin inay haatan soo bixi lahayd.

Hoggaamiyeyaasha Ukraine ayaa sidoo kale weeraray warqadda, iyadoo ay qaar ku doodeen in wadahadal kasta oo lala yeesho Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin uusan haatan “ahayn ikhtiyaar macquul ah.”

Hadalsame Media