Cuntooyinka uu caanka ku yahay dal kasta oo Afrikaan ah oo lasoo bandhigay (Cuntada Somalia lagu xusay)

0

(Hadalsame) 26 Okt 2022 – Waxaa lasoo bandhigay cuntooyinka maxalliga ah ee ay caan ku tahay qaaradda 2-aad ee dunida ugu ballaaran ee Afrika min gees ilaa gees.

Qaaradda Afrika oo leh dhaqamo iyo taariikho kala geddisan oo hodan ah, balse xilliyadan casriga ah ilaa xad faceed ka hartay, ayaa leh cuntooyin kala geddisan.

Waxaa cuntooyinka caanka ah ee lasoo bandhigay ka mid ah kuwa woqooyiga Afrika ee caanka ah sida; Ful Medames, Mkhabez, kuwa Galbeedka Afrika ugu caansan sida Fufu, Yassa, iwm.

Dhanka dalkeenna Somalia oo runtii leh cuntooyin badan oo kala geddisan oo tayo leh, waloow lagu dhaliilo inaysan mararka qaar isu miisaannayn dhanka saliidda iyo dufanka ribban ee ku jira, ayaa waxaa lagu maamuusay Oodkaca ama Luqmadda oo ay Soomaalidu caan ku tahay.

Hadalsame Media