”Berri ayaan si faj’o ah u dhiman karaa” – MW Maraykanka oo ka hadlay sida uu u arko qaddarta (Sababta hadalkan keentay)

0

(Hadalsame) 25 Okt 2022 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Joe Biden ayaa qirtay inuu si faj’o ah u “dhiman karo berri” xilli uu isku deyayey inuu u xaqiijiyo codbixiyayaasha Maraykanka inuu weli leeyahay tamar ku filan oo uu mar kale ugu tartamo xafiiska 2024-ka.

Hadalladiisa ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu jiro walaac ballaaran oo ku saabsan sida la sheegay inuu sii xumaanayo caafimaadkiisa iyo khaladaad joogto noqday oo muujinaya inuu mararka qaar kelmadaha waayayo ama wax illoobayo.

Gabal muuqaal ah oo laga soo duubay waraysi uu siiyey MSNBC oo la sii daayay, ayuu Biden, oo 79 jir ah, la waydiiyey waxa uu u sheegayo dadka Maraykanka ah ee aan hubin in uu doonayo in uu dib u tartamo maadaama uu da’ wayn yahay.

“Waxaan u malaynayaa inay shay sharci tahay in laga welwelo qof kasta da’diisa, taasoo ay ku jirto taydu,” ayuu ku jawaabey, isaga oo isku sifeeyey inuu yahay “ixtiraame wayn oo dhanka qaddarka ah.”

“Waxaa berri igu dhici karta cudur. Waana, sidaad ogtahay, inaan dhiman karo berrito,” ayuu raaciyey.

Si kastaba ha noqotee, Biden wuxuu sii waday hadalkiisa isagoo sheegay in sida ugu wanaagsan ee loo go’aamin karo caafimaadkiisu ay tahay in loo kuurgalo isaga. “Miyaan gaabinayaa? Miyaan tillaab gaabiyey? ayuu waydiiyey, isagoo soo jeediyey in haddii dadka Maraykanku aysan hubin awooddiisa, ay xaq u leeyihiin inay taageeraan musharrax kale.

Hadalsame Media