Siyaasi ku baaqay in la diido heshiiska Coastal Exploration & Sababta uu ku cilladeeyey

0

(Hadalsame) 25 Okt 2022 – Siyaasiga Max’ed Cabdi Waare oo sidoo kale mar madax ka noqday Maamul-goboleedka Hirshabeelle, ayaa ka digey heshiiska uu mugdiga badani ku jiro ee Coastal Exploration.

Heshiiskan oo horay loo diidey ayaa waxaa mar qura maalin dhowayd la sheegay in la saxiixay kaddib markii 7milyan oo Doollar laga qaatay shirkadda, sida ay iyadu sheegtay.

“Maamullada ka tirsan Dowladda Federaalku waa in ay diidaan heshiiska Coastal Exploration,” ayuu kuu baaqay Waare.

“Ma buuxinayo heerarka ugu yar ee tartanka daah-furnaanta ah, xeerarka isku dhaca-danaha ama tixgalinta danaha Qaranka. Khalad buu ahaa xilligii MW Farmaajo & RW Khayrre, welina waa khalad.” Ayuu raaciyey.

 

Hadalsame Media