Dal Ruushka ugu deeqay taangiyo ay ku xiran yihiin gaashaamo nooc cusub ah + Sawirro

0

(Hadalsame) 25 Okt 2022 – Wasaaradda Difaaca Belarus ayaa waxay soo bandhigtay taangiga cusub ee T-72BM2 oo leh wax lagu sheegay “qafiskii barbecue-ga” oo lagu xirey tooreedka taangiga, kaas oo durba la siiyey ciidankeeda iyo Ciidanka Ruushka oo ay dhowr xabbo ugu deeqeen.

Sida uu sheegay Madaxwaynaha Belarus ee Aleksandr Lukashenko oo ka soo qaybgalay bandhigga.

Tawaangida T-72BM2 oo dib u casriyayn ballaaran loogu sameeyey  wershadda dayactirka ee Belarusian 140th oo ku taalla magaalada Borisov, Gobolka Minsk.

Soo bandhigiddii ugu horreeysey ee taangigani waxa ay dhacday Luulyo 2022. Sida laga soo xigtey ilo millateri, wuxuuna leeyahay aalado kul-arag ah oo la yiraahdo Sosna-U iyo gaashaan dheeraad ah.

Belarus ayaa dufcaddii ugu horreeysey ee labaatan ah taangiyada Belarusia ee T-72B ayaa la sheegay in laga saaray kaydka iyadoo loo diray gobolka Belgorod ee Ruushka, sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxday Abaanduulka Ciidamada Ukraine.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments