Siyaasi caan ah oo Soomaali ah oo ku faanay xilka uu qabtay RW Rishi Sunak (Sababta oo uu sharraxay)

0

(London) 24 Okt 2022 – Rishi Sunak ayaa noqday RW ugu horreeyey ee aan caddaan ahayn ee qabta xilkan fulineed oo ah kan ugu sarreeya dalka Britain.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Aadan Ducaale, oo ah siyaasi Soomaali ah ayaa ku faanay RW Sunak isagoo sababta sharraxaya.

“Rishi Sunak, Ra’iisul Wasaaraha cusub ee hadda loo doortay Boqortooyada Ingiriiska ayaa dhaafay caqabado badan oo aan la taaban karin si uu u qabsado mid ka mid ah xafiiska ugu awooda badan adduunka.” Ayuu qoraalkiisa ku bilaabay Wasiirka Gaashaandhigga Kenya.

“Isaga oo 42 jir ah, waa nin meelo badan ugu horreeya. Sunak waa qofkii ugu horreeyey ee aan caddaan ahayn iyo RW ugu yaraa ee qabta xafiiska in ka badan laba qarni. Nasiib wanaag, wuxuu kusoo beegmay munaasabadda Iftiinka Diwali Festival, isagoo ah Hinduugii ugu horreeyey sidoo kale.” ayuu yiri Ducaale.

“Isagoo asalkiisu kasoo jeeda dalka aynu jecelnahay ee Kenya, Sunak waxa uu ka mid yahay shakhsiyaadka caanka ah ee aynu qaran ahaan ku faani karno.

“Waxaan ku biirayaa Kenyan-ka kale iyo caalamkaba si aan ugu hambalyeeyo.” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Kenya.

Hadalsame Media