Dal Somalia ka qaaday taako uu saaray xilligii MW hore ee Farmaajo

0

(Hadalsame) 24 Okt 2022 – Dalka Imaaraadka Carabta ayaa liiskiisa kasoo saaray dalal Afrikaan ah oo uu ka mamnuucay dalkiisa.

Dalalka uu Imaaraatka Carabtu ku dhawaaqay mamnuucidooda oo dal ku galka loo diidey dadka u dhashay ayaa gaaraya 20 waddan oo wada Afrikaan ah.

Dalalka ay dhibaatadu saamaysay waxaa ka mid ah; Ghana, Sierra Leone, Sudan, Cameroon, Nigeria, Liberia, Burundi.

Sidoo kale, Jamhuuriyadda Guinea, Gambia, Togo, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Senegal, Benin, Ivory Coast, Congo, Rwanda, Burkina Faso, Guinea Bissau, iyo Comoros.

Mamnuuciddu si deg deg ah ayay u dhaqan gelaysaa. Waxaan se markan ka maqan dalka Somalia oo ku jirey sanadihii ugu dambeeyey oo dhan.

3 jeer oo hore oo kale oo ay UAE visa-ha shaqada u diiddey dalal Afrikaan ah waxaa ku jirtey somalida intii uu uu Farmajo joogey.

Hadalsame Media