”Iyaga ayaa bilaabay!” – Laba Kuuriya oo rasaas is dhaafsaday iyo eedo isku nooc ah oo ay isu jeediyeen + Sawirro

0

(Hadalsame) 24 Okt 2022 – Kuuriyada WOqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa iswaydaarsaday rasaas digniin ah Isniintii maanta, iyaga oo midba midka kale ku eedeeyey in uu ka soo gudbey xudduud badeedka lagu muransan yahay ee labada dal, xilli ay sii kordhayso xiisadda gobolkan ka taagan, sida ay sheegeen millateriga labada waddan.

Abaanduulka Dhexe ee Kuuriyada Koonfureed (JCS) ayaa sheegay in abaarihii 3:42am waqtiga maxalliga ah, uu markab ganacsi oo laga leeyahay Kuuriyada Woqooyi uu kusoo xad-gudbey khadka xadka woqooyiga (NLL) ee Badda Jaallaha ah, kaas oo ah xudduud badeed aan rasmi ahayn oo u dhexeeya labada dal.

Arrintan ayaa keentay in ciidamada Kuuriyada Koonfureed ay soo saaraan digniino, kaddib markii ay doonidu wax ka beddeli wayday jihadii ay ku socotey, waxayna kusoo jawaabtey laba xabbadood oo rasaas ah oo ka dhacay qori darandoorri ah.

Dhanka kale, ciidanka Pyongyang ee Kuuriyada Woqooyi (KPA) ayaa sheegtay in markab ay leeyihiin ciidamada badda ee Kuuriyada Koonfureed uu “ku soo xadgudbey khadka xadka  badda ee u yaalla labada ciidan” isagoo ku marmarsiyoonaya inay eegaan wax ay ugu yeereen “markab aan la aqoonsan”.

Millateriga Kuuriyada Woaqooyi “wuxuu qaaday tillaabooyin kahortag ah” isagoo toban madfac ku ridey aagga uu shilku ka dhacay, sida uu sheegay afhayeenka guud ee Ciidamadaa KPA.

Hadalsame Media