MW Xasan Sheekh oo sameeyey arrin uu si wayn u diidanaa xilligii Farmaajo (Daawo)

0

(Hadalsame) 23 Okt 2022 – Shirkadda dhowaangalka ah ee Coastline Exploration ayaa tafaasiil ka bixisay heshiiskii lagu saxiixay magaalada Muqdisho, ee ay la saxiixatay DF Somalia oo sheegtay in dib u habayn lagu sameeyey heshiiskan oo horay muran u dhaliyey xilligii Xukuumaddii hore kaddib markii uu saxiixay Wasiirkii hore ee Batroolka Cabdirashiid.

Shirkadda Coastline Exploration ayaa kashiftay inay lacag dhan 7 milyan oo Doollar ku bixisay heshiiskan taasoo ay ku shubtay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, balse ma sheegin halka ay lacagtaasi kasoo gasho heshiiska iyadoo ku gaabsatay inay ku dhacday ”taageero” ay ka heleen MW Somalia ee Xasan Sheekh, sida ay sheegeen.

Haddaba, isla MW Xasan Sheekh ayaa si wayn u diidanaa in wax heshiis shidaal gebi ahaanba la saxiixo inta lagu jiro wadciga haatan, taasoo u muuqatey dood waaqici ah markii uu jeediyey.

Waxyaabihii uu xilligaa oo uu mucaarad ahaa uu MW Xasan taxay waxaa ka mid ahaa in lagu jiro wadci la isku dili kara shidaalka, in aanu jirin xeer kala xadeeya shidaalka marka ay timaado sida loo wadaagayo heer gobol iyo heer federaal, in aanu xitaa lahayn nidaamkii canshuurta oo iyaduna gaar ah IWM.

Nasiib xumo, MW Xasan Sheekh isla isagii ayaa hareer maray dooddiisii shalay oo maanta wuxuu saxiixay heshiis shidaal weliba shirkad aan la aqoonin meel dunida ah oo ay shidaal ka sahmisay oo la yiraahdo Coastline Exploration, arrintaasoo muujinaysa inaysan diidmadii hore mabda’ ka ahayne ay maalintaa uun siyaasaddu la gashay waana dhibka haysta siyaasiyiinta Soomaalida.

Halkan hoose ka DAAWO…..

Hadalsame Media