Siyaasi ku baaqay in la joojiyo qaab hadda loo wajahayo dagaalka Shabaabka (Qorshe socda iyo Gobolka Soomaalida oo saanad keenay)

0

(Hadalsame) 23 Okt 2022 – MW hore ee Maamul-goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa ka digey saamaynta ay qorshe xumadu ku yeelan karto gulufka socda ee Shabaab lagu dirirayo, iyadoo ay dagaalladii ugu dambeeyey ay ka soconayaan degaanka Masaajid Cali Guduud.

Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay in AS la siiyo fursad ay ugu gacan bannaanaadaan inay marba aad gaar ah ka dagaallamaan iyadoo aan gurmad loo fidinaynin amaba aan dagaalka aag kale looga furaynin, taasoo kala jiidi karta fursaddooda iska caabineed, sida uu qabo.

”Masaajid Cali Guduud waxay aheyd in la weeraro inta uu socday dagaalka Hiiraan. Maalin walba in hal qabiil lagu fiirsado dagaalka, oo Shabaabku isugu yimaado, ma aha talo shaqeeyneeysa. Hadda waa in dagaalku ka bilowdo waddanka oo dhan. Saan talo ma aha.” ayuu ku dooday Waare.

Dhanka kale, wuxuu Waare ka hadlay inay jiraan qorshayaal lagu qaadayo weerarro agaasiman oo isla socda.

”Iyadoo la isku dubarridey weerarro u ruqaansanaya Ceelbuur, Aadan Yabaal, & Masaajid Cali Gaduud, & Qorshayaal laga samaynayo weerar lagu qaado Galbeedka Hiiraan, sida uu ku dhawaaqay Jeneraal Biixi, ayaa waxaa muuqata in ugu dambayntii ay soo ifbaxayaan istiraatijiyad isku xiran. Bal qiyaas haddii hawlgallo laga bilaabi lahaa Jubaland, iyo KG?” ayuu is waydiiyey.

Dhanka kale, Gobolka Soomaalida ee haatan Itoobiya hoos taga ayaa saanad ku wareejiyey ciidamada Macawisley ee Shabaab kula dagaallamaya Gobolka Hiiraan.

Hadalsame Media