Dal Muslim ah oo diyaarad Israeli ah ku khasbay inay kansasho duullimaadyadeeda dadkana ay lacagtoodii u celiso

0

(Hadalsame) 23 Okt 2022 – Diyaaradda Arkia Airlines ee laga leeyahay Israel ayaa lagu khasbay inay joojiso duullimaadyadii ay ku tegi jirtay Hindiya iyo dalalka kale ee Aasiya.

Dayuuraddan ayaa sidoo kale macaamiisheeda u celisey lacagihii tigidhada, sababo la xiriira diidmo joogto ah oo ay kala kulantay dalka Cumaan oo uga dhaartay in diyaaradaha ganacsiga ah ee Israa’iil ay dul maraan dhulkiisa.

Sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargayska Israel ee Hayom, Cumaan ayaa go’aansatay in hawadeeda laga xiro duullimaadyada Israa’iil, toddobaad uun kaddib markii madaxa fulinta ee shirkadda calan-sidaha Israel ee El Al – Dina Ben-Tal – ay sheegtay in Tel Aviv ay oggolaansho rasmi ah ka heli doonto Muscat si ay hawadeeda u isticmaasho.

Tillaabadaas ayaa la filayey in la qaado kaddib markii Sucuudigu oggolaaday in diyaaradaha laga leeyahay Israa’iil ay ku duulaan hawadeeda, si ay ugu suurtogasho in duullimaadyo toos ah ugu sii gudbaan gobolka Khaliijka iyo dalal ay ka mid yihiin Hindiya iyo Thailand.

“Ma ahan kaliya Sucuudi Carabiya, waxaan u baahanahay dariiq buuxa in naloo ansixiyo,” Ben-Tal ayaa sidaas tiri maalin hore.

Haddaba, xilli ay sugayeen in si rasmi ah loogu fasaxo arrintan, mowqifka Muscat ee ku aaddan xiritaanka hawadeeda ee duullimaadyada Israa’iil ayaa noqon doonta caqabadda ugu wayn ee ka hor istaageysa qorshayaasha Tel Aviv ee ah inay ka faa’iidaysato marinkan duullimaad ee Khaliijka si ay u biiriso waqti iyo shidaal.

Hadalsame Media