KA FAA’IIDAYSO: Halista caafimaad ee aanad ogayn ee ay anteenooyinka isgaarsiintu kugu hayaan

0

(Hadalsame) 23 Okt 2022 – ANTEENOOYINKA – Hay’adda Caafimaadka Adduunka faraceeda Cilmi-baadhista Kansarka ee (IARC) ay 2006 si bayaan cad ah daaha uga qaaday in shucaaca ka yimaada taleefoonnada gacanta iyo Taawarrada ay “suurtogal tahay inuu sababayo kansarka ku dhaca bini’aadamka” sidoo kalena keeni karaan glioma, oo ah nooc ka mid ah kansarka maskaxda. Taawarrada ayaa ka khatar badan Teleefoonnada gacanta, sababtoo ah waxay sii daayaan shucaac xooggan.

(The World Health Organisation’s International Agency for Research on Cancer (IARC) says radiation from cellphone handsets and towers is “possibly carcinogenic to humans” and may cause glioma, a type of brain cancer. Towers are more dangerous than handsets because they emit greater-intensity radiation).

DHIBAATADA AY KEENAAN TOWERS-KU

Dhibaatada badanaa ay sababaan ee aysan dadku inta badan ku baraarugsanayn waxaa ka midda, dhicinta hooyada uurka leh, dhinac qalalka qofka ee degdega ah iyo madax xanuunka inta badan Soomaalidu u taqaano Dhan-jafka. Dhinicda Wave ku da’a qof korkiisa mararka qaar waxay keentay dhimasho degdeg ah taas oo Soomaalidu ay tidhaahdo “waa lagu soo booday, ee xanuun hore ma qabin”

Waxaa sidoo kale saamayn weyn uu ku leeyahay deegaanka oo ah mid qayb weyn ka qaata hoos u dhaca hawada, korida dhirta iyo yaraynta abuurida keynta. Waxaana lagu sheegay Cilmi Baadhis ay samaysay Sheild Your Body (SYB)

DEEGAANADA IYO XILIYADA U DARAN

Goobaha aadka ugu darani waa meelaha inta badan Xeebaha ah oo kulaylka qoraxdu ay keento inay dhalaaliso Hirarka (Waves) shucaaca oo sababa inay da’aan si ilmo qabatin ah. Dhibic shucaaca oo korkaaga ku dhacdana waxay sababaysaa xanuuno raad ku yeelanaya jidhkaaga.

MAXAA TOWERS-KA INNAGU BADIYEY?

Towers-ka ay shirkadah isgaandhsiintu ku rikibaan magaalooyinka waa kuwa ka qiimo jaban kuwa dunida casriga ah laga isticmaalo, kana xambaaritaan yar.

Halka tusaale fudud aan kugu siiyo. Marka qarax dhaco ee aad qof wacayso sababta uu kuu yidhaahdo “Lama helo karo” waxaa buuxsamay Towerka qofkaas u dhaw yahay oo xadkii loogu talo galay ayaa fuulay.

Haddaba sababtuna wax kale ma aha ee qiimaha Towers-ka laliska fog iyo xadka tirada dadka badan qaadi kara 1M ilaa 10M oo qof ayaa ka qaalisan kuwa innaga innoo rikiban ee qaadi kara 5Kun ilaa 10Kun oo qof waana sababta keenaysa in hal shirkad labo xaafadood oo isku dhaw ugu xidho ilaa 3 Tower, halk Dubai uu ku xidhan yahay Hal Tower oo haysta Port laliye ah.

Midda u weyn ee shirkadaha ku kaliftay ayaa ah in dhaqaalaha oo u saamixi la’a inay helaan iyo kab dhaqaale (Insurance) oo aysan ka helayn dawladda, oo shirkaduhu yihiin kuwa la daalaa dhacaya culayska qudhooda haysta.

Shucaaca kaliya ma tuuraan Teleefoonada ee waxaa qayb weyn ka ah, Internet-ka Telefishinka, Radio iyo Lalis kasta oo isgaadhsiin (Communication) loo isticmaalo.

W; D: Garaad Yaasiin

Hadalsame Media