WEJI CABSI LEH: Gargaarka CIIDAN ee ay Ukraine hesho oo halisi kusoo food leedahay 8-da Nofeembar kaddib

0

(Washington, DC) 23 Okt 2022 – Xubnaha Midowga Yurub ayay tahay inay u diyaar garoobaan inay gargaar dheeraad ah siiyaan dalka kraine kaddib doorashada xilliga dhexe ee 8-da Noofambar ka dhacaysa Maraykanka, sida uu qorayo warqaadka Politico.

Haddii xisbiga Jamhuurigu uu la wareego Congress-ka, waxaa meesha ka bixi karta in Maraykanku sii ahaado “deeq bixiyaha NATO ugu deeqsisan dhanka dagaalka Ukraine,”  ayay jariidaddu ka digtey. Saadaal tan la mid ah ayaa waxaa sidoo kale sameeyey mareego kale, sida Axios.

Ra’yi ururintu waxay muujinaysaa in taageerada codbixiyayaasha Maraykanka ay kusii yaraanayso  dalka Ukraine. Xubnaha xisbiga Jamhuuriga ayaa iyana si isa soo taraysa u dhaleecaynaya Madaxwayne Joe Biden oo waydiistay Congress-ka tobannaan bilyan oo Doollar oo gargaar ah oo la siiyey Kiev, iyagoo u arka in lacagtaa lagu khasiro gudaha Maraykanka.

“Waxaan u malaynayaa in dadku ay dul fadhiyaan hoos u dhac dhaqaale, mana usii qori doonaan jeeg maran dalka Ukraine,” ayuu ku dooday Hoggaamiyaha dadka laga tirada badan yahay ee Aqalka, Kevin McCarthy oo u warramey Punchbowl News toddobaadkan.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa muddo dheer ku boorrinayey Midowga Yurub inuu qaado inta badan culayska dhaqaale ee taageerada Ukraine, iyagoo ku doodaya in dhibaatada halkaas ka jirta ay khatar wayn ku tahay reer Yurub marka loo eego Maraykanka.

Politico ayaa saadaalisay in xisbigu uu si xoog leh ugu muuqdo mid ku guulaysan doona doorasho dhexaadka horraanta Nofeembar, taasoo bedeli karta wajahaadda Washington ee dagaalka Ukraine, haddii ay Jamhuurigu aqlabi ka noqdaan Labada Aqal ee u taliya Maraykanka ee Koongrayska.

Hadalsame Media