“Uma gooddin kartid Sucuudiga dhibkana adigaa dhigay!” – Turkiga oo furka ku xooray Maraykanka

0

Maraykanka ayaa loo jeediyey inuu joojiyo hanjabaadda Sucuudiga ee ku aaddan qiimaha saliidda oo sarreeya iyadoo loogu baaqay inay raadiyaan habab kale oo lagu xalliyo dhibaatada, sida uu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga.

Ururka Wadamada Dhoofinta Shidaalka (OPEC), oo Riyaad ay u tahay hoggaamiye beenaad, ayaa ogolaaday in la dhimo wax soo saarka saliidda horraantii Oktoobar, taas oo ka caraysiisay Washington, oo marar badan ururkan ku boorrisey inay wax soo saarka kor u qaadaan.

“Cag-juglaynta ka dhanka ah Sucuudigu waa mid aan habboonayn. Waxaa na haysta caqabado la mid ah dhanka qiimaha tamarta laakiin cidna uma hanjabno, ” ayuu yiri Mevlut Cavusoglu, isagoo ka hadlayey magaalada Mersin, ee koonfurta Turkiga.

Cavusoglu ayaa sheegay in ay tahay mid la aqbali karo in Maraykanku uu dhimista shidaalka ku dhaleeceeyo OPEC +, oo ah koox ka kooban dalalka ugu waawayn ee soo saara saliidda oo ay ku jiraan Ruushka iyo Sucuudi Carabiya, laakiin wuxuu uga digey Washington in hanjabaadda Riyaad aysan “sax ahayn”.

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa ka dhawaajiyey in qiimaha saliidda ee cirka isku shareeray, oo ah walaaca ugu wayn ee Maraykanku, uu ka yimid isla siyaasadaha Washington.

“Kuma xallin kartid arrintan inaad kaliya u hanjabto waddan. Waa inaad u ogolaataa soo saarayaasha saliidda inay dib ugu soo laabtaan wax soo saarka, ” ayuu xusay, isaga oo tixraacaya cunaqabataynta Washington ay ku soo rogtey dalalka Iran iyo Venezuela.

Cavusoglu wuxuu ku boorriyey Maraykanka inuu meesha “ka saaro cunaqabatayntan”, isagoo ku dooday: “Haddii aad rabto in qiimaha saliiddu uu hoos u dhaco, ka qaad cunaqabataynta dalalka shidaalka keeni doona suuqa.”

Hadalsame Media