XOG: Qadar oo doonaysa inay bedesho qaabka ay u wajahayso DF Somalia (Maxaa socda?)

0

(Hadalsame) 23 Okt 2022 – Dowladda Qatar waxay aheyd hal boolihii nidaamkii madaxweyne Farmaajo shantii sano ee uu xilka hayey, balse hadda waxaa laga dheehanayaa inay diyaar u tahay inay la qabsato nidaamka cusub ee ka dhashay Soomaaliya.

Marka lagu laabto kal xukunkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh iskuma xumeyn isaga iyo dowladda Qatar. Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Qatar waxay muddo u muuqdeen inay ku luulamayaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Xiisaddii Khaliijka ayaana uga sii dartay  loolanka labada dal.

Hadda oo uu dhammaaday khilaafkii Khaliijka waxaa soo shaac baxday inuu hoos u dhacay loolankii dalalkaan ee arrimaha Soomaaliya.

Maadaama aan la joogin xilli doorasho labada dalba waxay raadinayaan macaamil dagan oo dhanka Soomaaliya ah. Inuu khilaafkii Carabta dhammaaday faa’iido ayey u tahay Soomaaliya, taasi oo hadda abuureyso la macaamil siman.

Qatar waxay dhawaan badashay safiirkeedii Soomaaliya ee waqtiga fog Xasan Bin Xamza, waxayna kusoo beddashay Cabdalla Saalim Nasser. Waa dhaqan caalami ah in dalka uu badalo safiirkiisa haddii uu isbeddal xukunka dalkaas ka dhaco, uuna talada qabsado maamul cusub oo aan aaminaad badan ku qabin safiirka jooga.

Safiirka la badalay ee dowladda Qatar ayaa muddo toos ula safnaa madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuu saaxiib la ahaa maamul goboleedyada Farmaajo taageersanaa isagoo maamulada kale u gaabiyey xiriirka, taasoo marar badan lagu dhaleeceeyey safiirka la badalay.

Isbadalka hoggaanka safaaradda Qatar ku leedahay Soomaaliya waxaa lagu qeexay mid Qatar ku talaaleyso abuurkeeda cusub ee Soomaaliya iyo inay isku diyaarineyso inay la shaqeysato nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowladda Qatar waxay dhawaan casuumtay agaasimaha cusub ee hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad, kaasi oo la sheegay inay ka wada hadleen sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen iyadoo aan la eegeyn wixii kala dhaxeeyey agaasinkii hore ee hey’adaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna la hadal hayaa inuu tagi doono Qatar sida ay wararku sheegayaan, waqtiga booqashadaan weli lama shaacin.

Xasan Sheekh inuu isku helo Qatar iyo Imaaraadka waxay ka yareyn kartaa loolanka dalalka Carabta wuxuuna heli karaa mashaarici dheeri ah, ayey leeyihiin dadka la socda arrimaha carabta iyo Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa dhowr mashruuc ka hirgelisay Soomaaliya muddo xileedkii madaxweyne Farmaajo,  waxaana wajigooda cusub uu isna keeni karaa mashaarici kale oo dheeri ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u muuqda inuu dunida ku wajahayo siyaasad ka qabow tii Farmaajo taasoo dalka usoo jiidi karta inuu helo aaminaad caalami, mashaariic dheeri ah, maalgashui iyo shaqo abuur.

W; Q: Cabdullaahi Cusmaan Faarax

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku xusan oo qura

Hadalsam Media