BAHDIL: MW hore ee Shiinaha oo xoog looga saaray shir uu fadhiyey MW xilka haya (Daawo)

0

(Beijing) 22 Okt 2022 – Madaxwaynihii hore ee Shiinaha ee Hu Jintao ayaa la arkay isagoo laga saarayo shirwaynaha  amniga xilli uu MW Xi Jinping uu sii wado inuu awoodiisa muujiyo.

Laba nin oo ilaalo ah ayaa odayga 79-jirka ah ka saaray goobta isagoo u muuqdey mid ku yara jahawareersan sababta shirka looga saaray.

Si kasta warbaahintu xitaa sababta weli ma garanayso, laakiin waxa lagu xamanayaa inuu xiriir aan wanaagsanayn la leeyahay MW Xi.

Waxaa la arkayey Jintao oo isku deyaya inuu la hadlo MW Xi oo isna hadal ku dhahaya, balse lama oga wixii ay is yiraahdeen.

Tillaabadan ayaa ah arrin kale oo ka mid ah dhaqdhaqaaqyada awood muujinta ah ee MW Xi, kaddib markii uu u ololeeyey in meesha laga saaro xaddidaadda muddo-xileedka 2017-kii.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media