Dekedda Garacad oo maanta si rasmi ah loo furayo & madaxda ka qaybgelaysa + Sawirro

0

(Garacad) 22 Okt 2022 – Waxaa maanta xarigga laga jarayaa Dekedda cusub ee Degmada Garacad ee woqooyiga Gobolka Mudug, taasoo lagu bilaabay laguna dhisay qaaraan dadwayne.

Dekeda Garacad oo ku taalla goob istaraatiji ah marka la eego dalka bad-xiranka ah ee Itoobiya, ayaa lagu dhisay mashruucii u horreeyey isku tashi ah ee ay Soomaaliyi leedahay, iyadoo qaybta maanta la furayaa ay tahay wejigii koowaad.

YAA KA QAYBGELAYA? Waxaa durba Dekedda jooga Madaxwaynaha DF Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxwaynaha Maamulka Puntland Saciid Deni, Madaxwaynaha Gobolka Soomaalida ee Mustaf Cagjar iyo madax kale oo Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo meesha tegi kara mas’uuliyiin ka kala socota dalalka Gobolka Geeska Afrika oo la sheegay inay iyana ka qaybgeli karaan munaasabadda lagu furayo Dekedda cusub ee Garacad.

Dekedda ayaa waxaa shalay kusoo xirtey markab sidey shamiiddo iyo agab kale oo dhinaca dhismaha ah.

DCIM106MEDIADJI_0145.JPG

Hadalsame Media