“Waxay sameeyeen wax ay nagu dhaliili jireen” – Faransiiska oo ka caroodey tillaabo uu Jarmanku qaaday

0

(Paris) 20 Okt 2022 – Tilaabada uu dhowaan Jarmanku dadkiisa ugu qoondeeyey balaayiin Yuuro si uu ugu taageero wershadaha tamarta gudaha ayaa ka caraysiiyey saraakiisha Faransiiska, wargayska The Telegraph ayaa sidaa Arbacadii kasoo xigtey ilo heer sare ah oo ku sugan Paris.

Warqaadkan Ingiriiska ah ayaa intaa ku daray in Madaxwayne Emmanuel Macron iyo dadka ku dhowi ay si gaar ah uga xumaadeen qorshaha, Chancellor Olaf Scholz.

“Faransiisku runtii aad bay uga caroodeen Jarmanka, gaar ahaan Scholz. Kama sheegin meel fagaare ah laakiin si gaar ah ayay uga caroodeen,” ayay iluhu yiraahdeen.

“Jarmanku waxa ay samaynayaan wax Faransiiska inta badan lagu eedeeyo: oo ah inay go’aan gaaraan iyaga oo aan la tashan jaalkooda si ay danahooda u fushadaan,” ayay ilo aan la magacaabin u raaciyeen warbaahinta.

Isaga oo taa ka jawaabaya, Madaxwaynaha Faransiiska ee Emmanuel Macron ayaa dib u dhigay kulan la sii qorsheeyey oo uu la yeelan lahaa Ra’iisul Wasaaraha Jarmanka ee Olaf Scholz kaas oo looga hadli lahaa xiisadda tamarta, iyo mowduucyo kale.

Horraantii usbuucan, wuxuu dhaleeceeyey tillaabada Scholz, isagoo sheegay inay “qallooc” ku keenayso ammaanka tamarta  Midowga Yurub.

“Haddii aan rabno hab isku xiran, istaraatijiyad qaran oo dal u gaar ihi ma aha mid loo baahan yahay, laakiin waa in la hlo istiraatiijiyad Yurub,” ayuu Macron u sheegay majaladda wararka Faransiiska ee Les Echos.

Afhayeenka Scholz, oo uu soo xigtey Telegraph, ayaa qiray inay jiraan “dhowr arrimood oo kala duwan oo aan hadda la tacaalayno … kuwaas oo aanaan weli gaarin mowqif mideysan.”

Waxaa jirta aragti ka timid dhanka EU oo ah in si midaysan loo wajaho xasaradda tamareed ee EU halkii uu dal waliba tiisa xallin lahaa.

Hadalsame Media