RW UK oo is cashishey iyadoo noqotay qofkii ugu muddada yaraa taariikhda UK (Goorta la shaacinayo qofka bedelaya)

0

(Hadalsame) 20 Okt 2022 – Ra’iisul Wasaaraha Britain ee Liz Truss ayaa ku dhawaaqday inay is casishay, iyadoo 45 maalmood oo kaliya xilka haysay. Ra’iisul wasaaraha xilka ka degaya waa Ra’iisul Wasaarihii ugu muddo gaabnaa taariikhda UK.

Jabka deg dega ah ee Truss waxa uu daba socdaa tillaabooyin khaldan oo siyaasadeed oo isdaba joog ah iyo iscasilaadda dhowr xubnood oo dawladeeda ah, oo ay ku jirto Xoghayihii Arimaha Gudaha, Suella Braverman horraantii todobaadkan.

Cadaadiska lagu hayey Truss ee gudaha xisbigeeda Konserfatiifka ayaa isna sii kordhayey tan iyo bishii hore.

Truss oo ka hadlaysa bannaanka 10 Downing Street, waxay sheegtay inay istiqaaladdeedii ka hoggaamiyaha xukuumadda iyo xisbiga Conservative-ka ay durba u gudbisey King Charles.

Waxa ay qiratay in aysan “gudan karin” xilka loo doortay horraantii Sebtembar, iyada oo intaa ku dartay inay xukunka timid xilli ay jirto “dhibaato dhaqaale iyo xasilooni darro caalami ah”.

Truss ayaa sidoo kale daaha ka qaadday in kulanka lagu go’aaminayo hogaamiyaha cusub ee xisbiga Konserfatifka, iyo madaxa cusub ee dawladda UK, la qaban doono “usbuuca soo socda.”

Waqtigan xaadirka ah, waxay xilka usii hayn doontaa si ku meel gaar ah, sida ay sheegtay isla Ra’iisul Wasaaraha xilka ka degaya.

UK ayaa tan iyo markii ay u codaysay ka bixitaanka EU 2016 muquuranaysey qaaquullo siyaasi ah oo xiriir ah iyadoo mudadaa kaddib maraysa 4 RW.

Hadalsame Media