DF Somalia oo ku dhaqaaqday tillaabo Maraykanka ka caraysiin karta (Maxaadan ogayn?)

0

(Hadalsame) 20 Okt 2022 – DF Soomaaliya ayaa markale dhex booddey xiisad caalami ah oo aan wax xiriir ah iyada la lahayn maadaama aysan qoobka iyo faraska midna ahayn.

DFS ayaa bayaan af Carbeed ku qoran oo ay soo saartay waxay ku sheegtay inay si buuxda u taageerayso Sucuudiga oo OPEC + xubnaha ugu waawayn ka mid ah.

Waxaa isku haya dalalka saliidda soo saara ee OPEC + iyo dalalka kasoo horjeeda Ruushka ee u badan Galbeedka kaddib markii ay OPEC + dhintay ilaa 2 milyan oo fuusto oo shidaal ah bishii, taasoo ay Galbeedku ku fasireen taageero dadban oo loo sameeyey Ruushka.

Si kastaba, Maraykanka ayaa ah dalka deeqaha ugu badan siiya sida ku cad bayaan kasoo baxay USAID.

Tusaale, lacagta uu Maraykanku Somalia siiyey 2022 waa ku dhowaad hal bilyan isagoo qaaraanka guud ee xilligan abaarta ah Somalia la siiyey ka noqonaya kala bar ka badan.

Somalia ayaa tan iyo xornimadii caan ku ah dhex boodidda siyaasado ay isku hayaan dalal kale iyadoo xitaa mar gashay dagaal wayn oo wakaaladeed balse looga faa’iidaystey qiirada dadwaynaha oo moodayey in dhul laga haysto lala xoraynayo, taasoo ka imanaysey Masar, Sucuudiga iwm, kuwaasoo markii dambe sheegay welibana muujiyey inaysan dan ka lahayn dhulka Somalia ka maqan.

Hadalsame Media