SAWIRRO: Diyaarad dagaal oo Ruush ah oo gantaal ku sigtay diyaarad Ingiriisku leeyahay (Kaddib maxaa dhacay?)

0

(Hadalsame) 20 Okt 2022 – Diyaarad dagaal oo uu Ruushku leeyahay oo ah nooca Su-27 ah ayaa gantaal ku dhufatay meel u dhow diyaarad ah Ingiriisku leeyahay oo ah Boeing RC-135 gaar ahaan nooca sahanka oo maraysey biyaha caalamiga ah ee Badda Madow, sida uu Wasiirka Difaaca, Ben Wallace ayaa u sheegay Baarlamaanka Khamiistan.

Sida laga soo xigtey Wallace, gantaalka la ridey wuxuu u dhacay qaab kama’ ah, iyadoo ay Moscow eedda saartay cilad farsamo.

Iska horimaadka dhexmaray diyaaradda wax basaasta iyo diyaaradda dagaalka ayaa dhacay 29-kii Sebtembar.

Dhacdadaas kaddib, London waxay si ku meel gaar ah u joojisey roondadii cirka waxayna xog ay walaaceeda ku muujinayso gaarsiisey Wasiirka Difaaca Ruushka ee Sergey Shoigu, sida uu yiri Wallace.

“Jawaab uu bixiyey Wasiirka Difaaca Ruushka 10-kii Oktoobar, ayaa lagu sheegay in ay sameeyeen baaritaan ku saabsan xaaladda shilka taasoo ay ku caddaatay inay ahayd cillad farsamo oo ku timid diyaaradda dagaalka ee Su-27,” ayuu sheegay, isaga oo raaciyey in Moscow “ay qirtay in falkaasi uu ka dhacay hawada caalamiga ah.”

Diyaaradaha wax basaasa ee Britain ayaa hadda duula iyagoo ay gelbinayaan diyaarado dagaal si ay u helaan ammaan wanaagsan, sida uu xusay wasiirku.

Hadalsame Media