Magaalo ku taalla Somalia oo ay ku riyoodaan laacibiin ciyaar caalami ah (Astaamo dabiici ah oo ay leedahay)

0

(Hadalsame) 20 Okt 2022 – Waxaa jirta ciyaar magaceedu yahay kitesurfing oo biyaha badda lagu sameeyo, taasoo aan lahayn magac Soomaali ah maadaama aysan Soomaalidu ciyaarin hadda.

Balse waxay la mid tahay aabiteyda carruurtu ciyaaraan oo weyn, lehna xargo iyo suuman uu qof weyn xiran karo iyo loox loogu tala galay in lagu istaago, kaas oo biyaha dul sabbaynaya.

Ciyaartan ayaa lagu dul ciyaaraa biyaha badda, waxayna u baahan tahay dabayl awood fiican leh si ay u jiiddo aabiteyda, qofka iyo qalabkiisaba. Waa ciyaar damaashaad ah, waxaana laga jecel yahay adduunka oo dhan.

Waxa ay ka mid tahay ciyaaraha sababa in ay aad u safraan dadka ciyaara. Sabatuna waxay tahay, dabayl awood fiican leh iyo meel ku habboon ciyaartan lamaba heli karo mar walba. Waxaa laga shaqeynayaa in Ciyaartan lagu soo daro ciyaaraha olimbikada adduunka.

Sideen ku ogaaday in ciyaartan lagu ciyaari karo meel Soomaaliya ka mid ah?

Waxaan safar shaqo ah ku joogay waddanka Sri Lanka oo ku yaalla koonfurta Aasiya, waa dal jasiirad ah, derisna la ah dalka Hindiya. Hoteel aan degganaa ayaa waxaan kula kulmay nin ka mid ahaa dadkii degganaa hoteelka.

Salaan ka dib waxaan is weydiinnay meesha uu qof walba ka yimid. Wuxuu ii sheegay inuu ka yimid Talyaaniga balse uu u badan yahay Aasiya. Anigana waxaan u sheegay in aan ka imid Soomaaliya. Intaas markaan u sheegay buu ninkii is baddalay oo wuxuu muujiyay farxad, wuxuuna ii sheegay in uu raadinayay qof Soomaali ah oo uu la kulmo.

Magaciisu waa Stefano Cavallucci. Waa macallin ciyaarta Kitesurfing ka ah, wuxuuna ii sheegay in uu Soomaaliya kor kala socdo xaaladdeeda, wuxuuna ii soo tiriyay magaalooyinka Puntland sida Boosaaso, Caluula, Xaafuun iyo kuwa kale.

Ciyaarta Kitesurfing

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Aad baan ula dhacay aqoonta dalkayga uu u lahaa. Waxaan u sheegay in aan markaa ka imid magaalada Boosaaso.

Stefano wuxuu ii sharxay sababta uu u bartay magaalooyinka Soomaaliya ee Puntland ku yaalla. Wuxuu sidoo kale iiga warramay ciyaaraha noocan ah iyo dadka ciyaara sida ay u xiiseeyaan iyo meelaha ugu badan dunida ee loo tago in lagu ciyaaro.

Macallin Stefano wuxuu lasoo baxay kumbuyuutarkiisa, wuxuuna iisoo saaray khariidadda Soomaaliya. Wuxuu yiri isaga oo tilmaamaya magaalada Xaafuun, “Qof walba oo ciyaara ciyaartan wuxuu ku riyoodaa in uu tago magaaladan,”  ayuu yiri.

Aniga indhaha ayaan si fiican u kala furtay, waxaana ugu jawaabay, “Ma dhab baa hadalkaagu, si fiican iigu sharrax’’.

Ciyaartan waxay u baahan tahay dabayl xawaaraheedu gaarayo 22 kiiloometer saacaddii. Adduunka waxaa ku yaalla meelo cayiman oo laga heli karo dabayl xawaarahaas leh.

Balse Xaafuun ayaa waxay mucjiso ku dhigtay in ay leedahay intii loo baahnaa ka badan oo haddana aan baaqanaynin guud ahaan sanadka oo dhan. Wuxuu ii sheegay in aan meel kale oo adduunka dushiisa ah aan laga heleynin fursaddaas.

Xaafuun

XIGASHADA SAWIRKA,WINDY

Stefano ayaa dadaal aad u badan ku sameeyay in ay Soomaaliya yeelato goob dalxiis oo lagu ciyaaro tartamada la xiriira ciyaartan.

Wuxuu ii sheegay in uu xiriir la sameeyay wasaaradda dalxiiska ee Puntland.

Wuxuu yiri, “Waxaan u diray email, waan u sharraxay mashruuca aan watay oo ahaa in goobtaas laga shaqaysiiyo. Waa ay iisoo jawaabeen, waxayna iiga mahad celiyeen xiisaha aan u muujiyay mashruucaas. Wax kalena maysan ii sheegin. Muddo ka dib ayaan ku celiyay email balse ma aysan ii soo jawaabin.”

Maxay Puntland ka ogtahay

Guddoomiyaha Xaafuun, Maxamuud Yuusuf Garoow oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ay ka war qabaan muhiimadda xeebta Xaafuun ee dhanka damaashaadka iyo dalxiiska, iyo ciyaarta kitesurfing.

Waxa uu qiray in ay jiraan dad ajaanib ah oo daneynaya halkaas, ayna soo jiidatay istiraatiijiyadda Xaafuun.

“Ajaanib badan baa timid, ilaa 13 qof oo ajnabi ah baa hadda yimid magaalada Xaafuun. Waxaan u fasaxnay in ay badda galaan oo ay meesha ay rabaan ka socdaan magaalada, in ay amni tahayna arka oo ay tahay jasiirad dalxiiska ku habboon.

“Labo habeen ayey joogeen waxayna aad ula yaabeen meesha quruxdeeda iyo jasiiradda,” ayuu yiri. Waxa uu BBC-da lafteeda ku casuumay in ay booqato goobtaas oo ay dad badan soo jiidata, iyaguna ay diyaar u yihiin in tallaabo horumar leh la qaado.

Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in ay Xafuun ay leedahay garoon diyaaradeed.

Hase yeeshee, waxa uu dhanka kale sheegay in aysan dhaqaale ku filan u heynin hirgelinta mashaariicda ay ku ficnaan lahayd jasiiraddan, oo ay ku jirto in lagu martigeliyo dadka ciyaaraya tartamada Kitesurfing-ka.

“Runtii dadku waa dad iska sabool ah, dhaqaale ma heysanno laakiin dal baa meesha yaalla, waa jasiirad, ciddii maal gashaneysana maamul ahaan gacan baan siineynaa,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Waxaan xiriir la sameynay wasiirka dalxiiska ee Puntland, balse nooma suurtagelin in aan helno.

Macallinka aan la sheekeystay wuxuu ii sheegay dhowr sabab oo caddeynaysa in Xaafuun ay tahay meesha ugu fiican ee ciyaarahan ku habboon.

Waxayna kala yihiin;

  • Dabayl joogto ah ayey leedahay oo sanadkii ilaa 10 bilood ama ka badan oo dabayl xiriir ah ayaa laga helaa Xaafuun. Badanaa meelaha kale ee loo aado waxaa la heli karaa saddex bilood ilaa 6 bilood keliya.
  • Waxaa kale oo uu ii sheegay in ay aad u fiican tahay goobta ay ku taallo taas oo u dhow meelaha badanaa ay ka yimaadaan dadka usoo dalxiis taga ciyaartan. Haddii loo diyaariyo duullimaadyo caalami ah, 10 saacadood ka yar ayaa looga iman karaa meelaha ugu badan caalamka.
  • Arrinta ugu muhiimsan ee xaafuun leedahay ayaa ah qaabka ay u sameesan tahay oo jasiirad xigeen ah. Tani waxay muhiim u tahay badbaadada dadka ciyaaraya ciyaartan maadaama xaafuun ay leedahay bad-xiran oo ka oodan badweynta. Ciyaartan ayaa mar mar sababta shilal shaqsiyeed in ay dhacaan, sida in aabiteyda ay qofka u jiiddo badweynta oo keeni karta halis qofka naftiisa ah, laakiin goobtan waxay ku ciyaari karaan iyaga oo aan ka walwaleynin in ay badweynta shil ku galaan.

Halkan ka arag qaabka ay u samaysan tahay xaafuun

Xaafuun

XIGASHADA SAWIRKA,GOOGLE

Sida aan ogaaday inta aan waday cilmi-baaristeyda, saddexda meelood ee hadda lagu tilmaamo in ay yihiin kuwa ugu fiican ee loo tago ciyaartan waxay kala yihiin:

  • Cabarete – oo ah magaalo ku taalla Jamhuuriyadda Dominican
  • La Ventana – oo ah tuulo ku taalla dalka Mexico
  • Cape Town – oo ah magaalo ku taalla Koonfur Africa

Xaafuun iyo goobtan leh bad-xiranta

Xaafuun waxay leedahay taariikho muhiim ah. Waxaana ka mid ah; 1930-kii waxaa laga dhisay warshadda cusbada oo noqotay tii ugu weyneyd ee adduunka. Intii ka horreysay dagaalkii labaad ee adduunka, warshaddii cusbada Xaafuun ayaa soo saari jirtay ilaa hal malyan oo tan oo cusbo ah, taas oo loo dhoofin jiray dalka dibaddiisa.

Xaafuun waxay mar kale dunida ku yeelan kartaa magac iyo maamuus weyn haddii loo diyaariyo in ay noqoto goob dalxiis.

Maxay Xaafuun iyo Puntland-ba ka faa’iidi karaan mashruucan?

Ciyaarta kitesurfing

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Mashruucan ayaa noqon kara il dhaqaalo oo aad u xoog badan oo dad badani ay ka faa’iidi doonaan.

Stefano ayaa wuxuu ii sheegay in dadka ku xiran ciyaartan aysan wax badan u baahnayn. Wuxuu yiri, “Waxa keliya ee ay u safraan waa in ay biyahaas ku damaashaadaan, haddii loo diyaariyo meel ay seexdaan waxna ka cunaan, intaas ayaa ku filan.”

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in ay tahay fursad qaali ah maadaama ganacsiga laga sameyn karo ciyaarahan aysan kala go’eynin sida goobaha kale ee adduunka oo xilliyo uun ku xiran. “Xaafuun ilaa 10 billood oo xiriir ah ayaa la isku halleyn karaa, meel kale oo intaas soo bandhigi kartaa ma jirto,” ayuu yiri.

 Dhaqaale abuurka Xaafuun

Dadka ciyaartan u imaan doona waxay ka kala imaan doonaan waddamo badan oo adduunka ku kala yaalla.

kitesurfing

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

  • Waxay shaqo u furaysaa Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo heli doona duullimaadyo caalami ah
  • Waxaa mashquul noqon doona garoonka diyaaradaha ee Xaafuun oo ay diyaaradaha fudud kusoo degi doonaan, kuwaas oo Garoonka Boosaaso kasoo qaadi doona rakaabka ka yimaada waddamada kale. Shirkadaha diyaaradaha dalka ayuu u furmi doonaa mashruuc ay iskugu xiraan Boosaaso iyo Xaafuun
  • Waxaa loo baahan doonaa Hoteello ay degaan dadka imaan doona
  • Waxaa loo baahan doonaa makhaayado ay ka cunteeyaan
  • Waxaa shaqo heli doona shirkadaha cuntada, isgaarsiinta, iyo dhammaan shirkadaha howlaha guud
  • Dowladda ayaa canshuur badan kasoo xareyn doonta mashruucan
  • Faaiidada ugu weyn waxaa heli doona shacabka deegaanka, kuwa gobolka iyo dhammaan Soomaalida halkaas u shaqa tegi doonta.

Mohamed Dirie waa qoraa madax bannaan iyo cilmi baare. Qormadan kama turjumeyso aragtida BBC-da.

BBC

Hadalsame Media