Siyaasi saadaaliyey gobollada ay Shabaabku ka bixi doonaan & kuwa ay xoogga saarayaan

0

(Hadalsame) 19 Okt 2022 – Kooxda Al Shabaab oo guluf culus wajahaysa ayaa maanta jug wayn u gaysatey Buundada Buulo Burde, taasoo muujinaysa sida aysan uga fikiraynin nolosha shacabka.

MW hore ee Maamul-goboleedka Hirshabeelle, Max’ed Cabdi Waare, ayaa sharraxay ujeedka ka dambeeya tillaabada ay Shabaabku qaadeen.

The blowing up of the Bulo Burte bridge by the Shabaab is a tacit admission that they have given up on the territory east of the Shabelle River, & want to concentrate on SW & Jubaland.

“Burburinta Buundada Buulo Burde ee Shabaabku jareen waa qirasho dhab ah oo ay uga tanaasuleen dhanka bari ee webiga Shabeelle, ayna rabaan in ay xoogga saaraan KG & Jubaland,” ayuu yiri Waare.

“Alla maxay tahay xeelad aan faa’iido lahayn. Gobollada KG & Jubaland waa qayb ka mid ah Soomaaliya. Dhammaanteenna waan joogi doonnaa halkaasi.” Ayuu raaciyey.

Warka Waare ayaa u dhacaya in Shabaabku doonayaan inay kasoo baxaan Galmudug iyo Hirshabeelle.

 

Hadalsame Media