”Ma laga yaabaa inaad weli daacad u tahay Somalia?!” – Baarlamanka oo Aadan Ducaale su’aalo adag hordhigay (Daawo)

0

(Hadalsame) 20 Okt 2022 – Siyaasiga Soomaaliyeed ee Aadan Ducaale ayaa ka mid noqday Xukuumadda cusub ee MW William Ruto iyadoo laga dhigay Wasiirka Gaashaandhigga Kenya.

Ha yeeshee, Ducaale ayaa mar la horgeeyey Guddiga Baarlamaaniga ah ee su’aalaha waydiiya xubnaha loo magacaabo xilalka heer qaran sida Wasiirrada ayaa la waydiiyey su’aalo badan oo la xiriira xilka loo dhiibey.

Waxaa la waydiiyey hadal uu hadda kahor sheegay mar ay Al Shabaab arday ku xasuuqeen Garisa University 2-dii Abriil 2015-kii isagoo xilligaa sheegay inuu hayo magacyada dadka maalgeliya kooxdaasi.

Mid kale ayaa ku qabsaday in uu mar sheegay in Shabaabku ay weerarkooda ka weeciyaan xaafadda Eastleigh ay u wareejiyaan meelo kale sida Machakos oo ka tirsan isla Kenya.

Waxase ugu darnayd su’aal ku saabsan in xilka Kenya looga dhiibey ay sidoo kale wax u dhimi karto inuu yahay in u dhashay Soomaali iyo inuu aaminsan yahay inuu yahay muwaadin Somalia ah.

Ducaale oo su’aalahan ka jawaabayey ayaa sheegay in Soomaalidu ay ku nooshahay meelo kala duwan oo xitaa Afrika ka baxsan balse ay daacad u yihiin dalalka ay ku nool yihiin ama ay xilka ka hayaan.

Ducaale ayaa dafiray inuu sheegay hadallada Gaarisa iyo Eastleigh isagoo ninkii su’aasha waydiiyey ku yiri ”raadso turjumaan ku wanaagsan af Soomaaliga anigu sidaa qar iska tuur uma ihiye”, wuxuu sidoo kale sheegay inay wax ka bedelayaan rayid loo dhiibey xilal ay ciidanku leeyihiin iyo ciidan loo dhiibey xilal rayidku leeyihiin amaba xilal loo dhiibey dad aan mihnadeeda lahayn sida qof garsoor ka socda oo meel kale la geeyey iwm.

Hadalsame Media