Muuqaalka taangi Ruush ah oo markii darawalkii laga diley kaligii iska daba wareegaya (Daawo)

0

(Hadalsame) 18 Okt 2022 – Waxaa bushii 8-aad holcaya dagaalka Ukraine oo uu Ruushku weerar culus ku qaaday 24-kii Febraayo ee horraantii sanadkan.

Yeelkeede, maadaama lagu jiro casri uu qof kasta kaamiro sito kuwaasoo ay qaarkood duulayaan waxaa soo baxa muuqaallo badan oo muujinaya waaqica ka jira furunta dagaalka iyo meelo ka fog.

Waxaa markan lasoo sawiray taangi uu Ruushku leeyahay oo kaligii iska daba wareegaya.

Waxaa gaar ahaan sidaa yeelaya waa nooca T-80BV ee uu isla Ruushku sameeyo.

Sida muuqata taangigani dhanka ayuu ka dhaawacan yahay iyadoo loo malaynayo in darawalkii laga diley taangiga, taas ayaana keentay inuu wareegaalaysto.

Hadalsame Media