Nin Soomaali ah oo dad Jarman ah laayey & Sabab la yaab leh oo durba soo baxday

0

(Ludwigshafen) 18 Okt 2022 – Maanta oo Talaado ah waxaa magaallada Ludwigshafen ee Koonfur galbeed ee waddanka Jarmalka ka dhacay dil uu geystay 25 jir Soomaali ah oo Tooreey ku dilay laba nin oo Jarmal ah, halka mid saddexaadna uu si xun u dhaawacay.

Booliska ayaa soo gaaray goobtii dhibku ka dhacay, waxaana ay eryadeen ninkii wax dilay oo goobta ka cararay, iyagoo markii dambe rasaas ku furay, sidaana gacanta ugu soo dhigay, inkastoo warbaahintu sheegeyso in dhaawaca gacan ku dhiigluhu uusan ahayn mid aad u daran.

Labada nin ee Jarmalka ah ee geeriyootay ayaa waxay da’doodu kala ahayd 20 iyo 35 sano jir, halka ninka kale ee saddexaad oo dhaawiciisu halis yahay uu jiro 27 sano.

Warbixin dheeraad ah oo aan helay oo aysan shaacin warbaahinta Jarmalka ayaa tilmaamaysa in sababta ka dambeysa dilkani ay daba joogto maseyr iwm, maadaama ninka Soomaaliga ah la ii sheegay inuu saaxiib la ahaa gabar caddaan ah.

Kiisaska Tooreeyda iyo Soomaalida Jarmalka ayaa ah kuwo waayadii dambe soo badanayay.

W; D: Yaxya Yuusuf

Hadalsame Media

Facebook Comments