“Lama aqbali karo” – Imaaraatka & EU oo ay ka tafatay (Danjirohooda oo loo yeeray & Waxa la isku haysto oo khuseeya Soomaalida iwm?)

0

(Hadalsame) 18 Okt 2022 – Imaaraatka Carabta ayaa u yeeray Ku-simaha Ergayga Midowga Yurub u fadhiya dalkooda, iyagoo waydiiyey sharraxaadda hadal ay ku sheegeen mid xambaarsan cunsurinnimo oo uu jeediyey Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Midowga Yurub, Josep Borrell, todobaadkii hore.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Imaaraatka Carabta ayaa sheegtay in hadalladaasi ay yihiin “kuwo aan habboonayn oo midab-takoor ah” ayna “gacan ka gaysanayaan jawiga sii xumaanaya ee dulqaad la’aanta iyo takoorka adduunka oo dhan ka jira”, sida Wakaaladda Wararka ee UAE (WAM) ay werisey.

Hadal uu ka jeediyey Akadeemiyada cusub ee Diblamaasiyadda Yurub ee laga dhisay Bruges, Belgium, ayaa si wayn loogu faafiyey khadka internet-ka kaasoo uu sheegay todobaadkii hore, Borrell wuxuu Yurub ugu yeeray “beer” halka inta badan adduunka uu ku sheegay “kayn” “kusoo duuli gali karta beerta.”

Wuxuu ku dooday in “beerta yar ee qurux badan (Yurub) oo ay ku hareeraysan yihiin derbiyo dhaadheer ay dadka beerta ilaalinayaa uga hortegaan derbiyo dhaadheer balse aanay taasi noqon doonin xal waara oo loo baahan yahay in lala xaalo adduunka, taasoo yeelan karta fasiraado badan marka la eego waxa uu ula jeedo.

“Dadka beerta ka shaqaynaa waa inay aadaan kaynta, reer Yurub waa inay si aad ah ula macaamilaan adduunka intiisa kale. Haddii kale, adduunka intiisa kale ayaa nagu soo duuli doona.” ayuu yiri.

Shir jaraa’id oo uu qabtay isla Isniintii shalay, Borrell ayaa beeniyey in fariintiisu ay tahay cunsuriyad ama gumaysi doon, sida Wakaalada Wararka ee EFE ay werisey.

“Faallada waxaa loogu talagalay in lagu diido fikradda ‘qalcadda Yurub’ waxayna ku dhisnayd in ardayda lagu dhiirrigeliyo inay la macaamilaan adduunka.” Ayuu isku difaacey.

Hadalsame Media