DAAWO: Walaaca shalay Ukraine ka qabsaday weerarka nooca cusub ah ee lagu qaaday (Booliiska oo rasaas caadi ah ku ridaya daroonno is qarxinaya)

0

(Kyiv) 18 Okt 2022 – Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in ugu yaraan afar qofi ay dhinteen kaddib markii Ruushku uu Kiev ku qaaday weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ay samaysay gaar ahaan kuwa is miidaamiya ee “Kamikaze-ga“.

Weerarkan shalay ka dhacay Kyiv oo ay Ruushku uga dabaaqayeen weerarkii lagu qaaday Buundada Crimea, ayaa waxaa sidoo kale  qof lagasoo badbaadiyey guri burburay hoostii, sida uu sheegay Kyrylo Tymoshenko, oo ah sarkaal sare oo la shaqeeya Madaxwaynaha Ukraine.

Ciidamada Cirka ee Ukraine ayaa sheegay inay koonfurta iyo bariga dalkaasi ku burburiyeen 37 diyaaradood oo nooca Kamikaze-ka ah oo ay Iran samaysay iyo saddex gantaal oo nooca Cruise-ka ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ukraine Denys Monastyrskyi ayaa isna sheegay in ciidamada ammaanka ay u suurtagashay in ay soo ridaan 36 ka mid ah 42 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo uu Ruushku soo diray.

Ha yeeshee, waxaa soo baxay sawirro muujinaysa qaabka ay Ukraine u wajahdey weerarkan waxaana muuqaalka laga arkayaa ciidanka Booliiska Ukraine oo si quus ah rasaas caadi ah ugu ridaya daroonnada.

Hadalsame Media