Hardan bisadeed dhexmaray Booliiska Malaysia & Sirdoonka Israel ee Mossad (Maxaa la isku qabtay yaase guulaystey?)

0

(Kuala Lumpur) 18 Okt 2022 – Booliska Malaysiya ayaa sii daayay nin Falastiini ah oo la sheegay inay afduubeen oo ay su’aalo waydiiyeen wakiillada Sirdoonka dibedda ee Israel ee Mossad, gaar ahaan qaybta ku sugan Kuala Lumpur, sida lagu sheegay warbixinno lagu daabacay New Straits Times iyo Aljazeera Carabi.

Wargayska Malaysiyaanka ah ayaa sheegay in ninka Falastiiniga ihi uu yahay mid ku fiican barnaamijaynta kombuyuutarta wuxuuna kasoo jeedaa Marinak Gaza waloow aan magaciisa la sheegin.

Waxaa ninka baabuur ku dhex ritey muwaadiniin Malaysian ah oo ay tababarteen Mossad oo ka qabtay caasimadda dalkaasi 28-kii Sebtembar.

Wargaysku waxa uu intaa ku daray in ninkaasi loo kaxeeyey guri ku yaal duleedka Kuala Lumpur halkaas oo su’aalo lagu waydiiyey qaab muuqaal ah iyadoo laga warsanayo arrimaha Xamaas iyo garabkeeda hubaysan ee Guutada Qassam si aad ahna loo garaacayo muddo saacadood ah.

“Waad ogtahay sababta aad halkan u joogto.’” ayay ku leeyihiin laba nin oo Yuhuud ah oo ka tirsan Mossad kuwaasoo daba socdey xog ku saabsan barnaamij software ah oo ay adeegsadaan kooxda Xamaas.

Arrintuse waxay ka biyo daysey dhanka nin 2-aad oo Falastiini ah oo ka baxsaday goobta markii ninkan lasoo qabanayey oo arrinta booliiska Malaysia gaarsiiyey, kuwaasoo helay xogta halka ninka lagu hayo kaddibna weerar ku qaaday oo ninkii kasoo furtay dadkii howsha wadayna soo qabtay, kuwaasoo ay ku jiraan 2 muwaaddin oo Malaysian ah oo weli u xiran booliiska halka la fasaxat labadii Falastiini.

Sidoonka Mossad ayaa si wayn uga kalluumaysta dalal badab oo Muslim ah oo ay ku leeyihiin jawaasiis maxalli ah. Sannadkii 2018-kii, Injineer koronto oo reer Gaza ah, isla markaana ka tirsan, Xamaas Fadi Mohammed al-Batsh ayaa waxaa toogtay labo nin oo mooto watey, xilli uu u socday Salaadda Subax isla magaalada Kuala Lumpur, dilkaas oo si weyn loogu eedeeyay Israa’iil, sida uu qorayo Times of Israel.

Hadalsame Media