Qoowmiyadaha Afrika ugu ballaaran oo lasoo bandhigay & Oromada oo Somalia lagu daray dhulka ay degto (Waa imisa milyan Soomaalidu?)

0

(Hadalsame) 18 Okt 2022 – Waxaa qaaradda Afrika la og yahay inay tahay tan 2-aad ee dunida ugu ballaaran, waxaa sidoo kale lagu sheegaa inay tahay tan ugu badan dhanka isirrada ku nool ee kala nooca ah.

Haddaba, waxaa lasoo bandhigay tirada qoowmiyaadka ugu ballaaran ama ugu tirada badan ee qaaradda Afrika, waxaana safka hore qoowmiyadaha ku jira ka mid ah tan Soomaalida oo loo qoray sidii hal qabiil.

Halkan ka eeg sida loogu kala tiro badan yahay Afrika gaar ahaan 10-ka sare:

1. Qoowmiyadda Hausa, waa 47 ilaa 50 Milyan waxay degaan Nigeria, Niger, Benin, Ivory Coast, Sudan, Ghana, Chad, Togo, Burkina Faso.

2. Yoruba, 44 Milyan. Laga helo Nigeria iyo Benin.

3. Amazigh, 40 Milyan. Waxay ku firirsan yihiin min Morocco, Algeria, Tunisia, Libya, Masar, Mali, Mauritiana ilaa Niger.

4. Oromo, 40 Milyan. Itoobiya, Kenya, Soomaaliya (Somalia dad Oromo ihi degaan ahaan uma degana balse dad usoo haajirey oo Soomaalida ku milmay ayaa jira).

5. Fulani, 40 Milyan. Waxaa laga helaa Nigeria, Mali, Guinea, Cameroon, Senegal iyo Chad.

6. Soomaali, 36 Milyan, waxay degaan min Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya.

7. Igbo, 36 Milyan. Inta badan waxaa laga helaa Nigeria.

8. Hutu, 24 Milyan waxay u badan yihiin Rwanda, Burundi iyo DRC.

9. Amxaarada, 23 Milyan. Waxaa laga helaa Itoobiya.

10. Akan, 20 Milyan. Waxay ku dhaqan yihiin Ghana iyo Coté d’Ivore.

Hadalsame Media