IMF oo xog-siin ka samaysay halka uu marayo hannaanka qaan-cafintu (Somalia oo lacag loo fasaxayo)

0

(Hadalsame) 18 Okt 2022 – Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ka hadashay halka uu haatan marayo hannaanka dib-u-eegista 4-aad (Article-IV) ee barnaamijka qaan cafinta (ECF), kaas oo ay carrabka ku adkeeyeen inuu meel wanaagsan marayo.

Xog-siintan cusub ayaa waxa ay hay’addu si gaar ah diiradda ugu saartay shirar dhowaan ka kala magaalooyinka Nairobi iyo Washington DC oo aad loogu lafa-guray dhaqaalaha dalka Somalia.

Madaxa Barnaamijka Somalia ee IMF, Laura Jaramillo, ayaa boggaadisey dadaallada haatan soconaya ee DF Somalia ee ku aadan dhanka hirgelinta iyo dhamaystirka hannaanka qaan cafinta, waxayna intaa raacisay in guusha la gaarayo haddii dadaallad lasii ambaqaado, gaar dhinacyada dib u habaynta dhaqaalaha iyo la dagaallanka musuqa.

Jaramillo waxay iftiimiisay in tillaabooyinka ay qaadday DF ee ah kusii dheganaanta dib u habaynta dhaqaalaha tiiyoo ay abaaro darani jiraan ay keeni doonto in qaamaha Somalia lagu soo koobo $550 milyan oo Doollar halkii ay ka ahayd $5.2 bilyan oo Doollar, taasoo daynta Somalia ka dhigaysa 7% oo qura halka ay haatan ka tahay 90%.

Halka la higsanayaa waa sanadka 0 si Somalia loogu daro Barnaamijka Qaan-dhaafka Dalalka Faqriga ah ee Qaamaha badan qaba ee loo yaqaan Heavily Indebted Poor Countries (HIPC)

IMF ayaa sidoo kale $10 milyan oo Doollar siinaysa DF Somalia kaddib markii la gaarey heshiis heer hoose oo shaqaale ah, waxaa se loo baahan doonaa in arrintaa lagu ansixiyo shir dhici doona horraanta bisha Diseembar ee dhammaadka sanadkan.

Hadalsame Media