Maraykanka oo soo saaray liiska shakhsiyaad hubka & maaliyadda ka caawiya Al Shabaab (Magacyada)

0

(Washington) 17 Okt 2022 – Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ayaa cunaqabatayn kusoo rogtey shakhsiyaad ay magac dhabeen oo fududeeya kana qaybqaata dhaqdhaqaaqyada hubka iyo lacagta kooxda Al Shabaab.

Raggan oo magacyadooda la faafiyey ayaa iskugu jira qaar hubka usoo iibiya kooxdan, kuwo lacagaha baadda ah usoo ururiya iyo qaar u dhisa nidaam maaliyadeed oo dhib badan.

Raggan ayaa xiriir toos ah la leh madaxda sare ee Al Shabaab waxayna Waaxda Maaliyaddu sheegtay inay ka go’an tahay bar garashada iyo burburinta shabakaadka noocan ah.

Waxaa magacyada la faafiyey ka mid ah;

Abdullahi Jeeri (Jeeri): Tahriibinta hubka.

Khalif Adale (Adale): Lacag ururiye.

Hassan Afgooye (Afgooye):  Dhise nidaam maaliyadeed.

Abdikarim Hussein Gagaale (Gagaale): Xigeenka madaxa Maaliyadda Shabaab Mahad Karate.

Abdirahman Nurey (Nurey): Dhex roore u dhexeeya iyaga iyo dadka kale.

Abdi Samad (Samad)

Mohamed Hussein Salad (Salad), Ahmed Hasan Ali Sulaiman Mataan (Mataan), iyo Mohamed Ali Badaas (Badaas): Waxay hubka kasoo diri jireen Yaman.

Halkan kasii aqri….

Hadalsame Media