Arrin yaxyax ku ah guusha Somalia oo loo hoos geliyey Xulka Somalia (Arag yaabkan)

0

(Hadalsame) 17 Okt 2022 – Xulka Qaranka U17 ayaa guulo heer qaran ah muddo dheer kaddib soo hooyey.

Xulka Somalia ayaa 3-1 diray South Sudan iyagoo sidaa uga qaybqaadan doona Koobka Qaramada Afrika ee 17-jirrada oo bisha Abriil ee 2023-ka ka dhacaya dalka Algeria.

Yeelkeede, guusha Somalia ayaa waxaa sidoo kale la socota arrin ay doodi ka taagan tahay.

Arrintaasi waa in xiddigaha Somalia aan la siinin billado metelaya midabbada Calanka Buluugga ah ee Somalia, sida dhacda marka xul ama kooxi koob qaaddo.

Taa biddaalkeeda waxaa xiddigaha la siiyey billado uu ku xardhan yahay Calanka 3da midab leh ee dalka aan deriska nahay tartankuna ka dhacay ee Itoobiya.

Waxaa la is waydiinayaa sida ay arrintani ku dhacday iyo cidda ka dambaysey yaxyaxan qaran.

Hadalsame Media