Itoobiya oo gargaar u dirtay dal Muslim ah & Fal-celinta ay ka bixiyeen dadka dalkaasi + Sawirro

0
FILE PHOTO: A general view shows the cityscape of Ethiopia's capital Addis Ababa, January 29, 2017. REUTERS/Tiksa Negeri/File Photo

(Hadalsame) 18 Okt 2022 – Itoobiya ayaa gargaar u dirtay dalka Pakistan oo ay aad u saameeyeen fatahaaduhu, waxaana gargaarka wareejiyey Safiirka Itoobiya u fadhiya dalkaasi ee Jemal Beker.

Safiirka Gaarka ah ee Itoobiya ayaa booqday dadka ku waxyeelloobey fatahaadda Webiga Degmada Tent City ee Gobolka Sindh, wuxuuna halkaas ku siiyey waxyaabaha aasaasiga ah sida cunto, dawo, hu’, iyo agab aan cunto ahayn in ka badan 8,000 oo qof.

“Waxaan fiirinayaa wejiyadooda iyo indhahooda sababtoo ah waxaan gaarey da’ ku filan inaan fahmo rafaadka iyo dhibaatada ay wajahayaan.” ayuu yiri Beker oo muujinaya dareenkiisa.

Dadwaynaha Pakistan ayaa baraha bulshada ku gorfeeyey gargaarka ay Itoobiya usoo dirtay iyadoo ay qaar badani mahadnaq ka muujiyeen tillaabada Itoobiya halka qaarkood ay ku kaftamayeen inay meel hoose gaareen haddii ay Itoobiya oo sabool ihi usoo gurmatey.

”Tariikhdii waa la bedeley haddii ay Itoobiya ka tagtay inay gargaar sugto oo ay marayso inay gargaar bixiso.” ayuu yiri Muniir Muxamed.

Hadalsame Media