Soomaalida oo xilal muhim ah oo amniga & Garsoorka Kenya kusoo baxay

0

(Nairobi) 15 Okt 2022 – MW cusub ee Kenya, William Ruto, ayaa xilal badan oo la xiriira amniga iyo garsoorka dalkaasi dad Soomaali ah u dhiibey.

MW Ruto oo ah nin nolosha meel hoose kasoo bilaabay marar badanna sheegay inuu xambaarsan yahay ajende isbeddeldoon ah ayaa waxaa mas’uuliyiinta Soomaalida ah ee uu magacaabay kala yihiin:

Wasiirka Gaashaandhigga: Aaden Barre Ducaale

Taliyaha Booliiska: Nuur Gaabow

Madaxa Denbi-baarista: Amiin Maxamed

Madaxa Dacwad-oogista: Nuuradiin Xaaji

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka NFD ee ay Kenya maamusho ayaa muddo dheer cadaalad darro tirsanayey, welina ma gaarin heerka Kenyan-ka kale, iyadoo qiimayn la sameeyey ay xilalka Dowladda ugu sarreeyaan Kikuuyada iyo Kalenjiinta oo ay ka kala dhasheen 2da  MW ee is bedeley, mana jirto qoowmiyad 3-aad ee xilka Kenya ee MW weli qabatay.

Hadalsame Media