Faarax Macallin oo Baarlamanka Kenya hor geeyey istaraatijiyad guud ahaabna Soomaalida anfacaysa (Daawo)

0

(Nairobi) 15 Okt 2022 – Siyaasiga ruug cadaaga ah ee Faarax Macallin ayaa ka mid ah rag Baarlamanka Kenya horgeeyey xeer wax looga qabanayo dhulal ay ugu horreeyaan kuwa Soomaalida ee Kenya hoos taga.

Wuxuu xusay in dhulka Soomaalidu uu u baahan yahay in loo sameeyo saad ka kooban biyo iyo baad.

Wuxuu tusaale usoo qaatay dalka Namibia oo dhul ahaan ku nool bay’o u eg dhulka Soomaalida ee lama degaan-xigeenka ah amaba kasii daran.

Yeelkeede, wuxuu sheegay in kaddib markii dalkaa laga hirgeliyey qorshe qaran oo ay hindistey Dowladda Namibia uu dalkaasi haatan dhoofiyo hilibka lo’aad ee ugu wanaagsan adduunka.

Si kastaba, Somalia ayaa sidoo kale u baahan qorshe noocan oo kale ah oo lagu badbaadinayo degaanka oo dhirtii laga dhameeyey iyadoo sidoo kale ay tahay in la tayeeyo nolosha xoolo raacatada si ay ugu gudbaan marxaladda xoolo dhaqashada.

Hadalsame Media