“Anigu kubbad waa iska dhaafayaa intaan kaddib” – 2 sano kahor sidee ahaa xaalka Cabdixaafid oo noqday Xiddigga Tartanka?

0

(Hadalsame) 16 Okt 2022 – Cabdixaafid Max’ed wuxuu noqday xidiggii ugu wanaagsanaa tartanka Bariga & Bartamaha Afrika ee Junyarka 17-jirka, kaasoo koob qaab isreebreeb ah loogu soo baxayey ay hanatay Somalia.

Somalia iyo South Sudan ayaa sidaa uga qaybgelaya Koobka Qaramada Afrika ee bisha Abriil ka dhici doona Algeria.

Ha yeeshee, Cabdixaafid wuxuu soo maray cadaalad darro badan isagoo xitaa mar sheegay inuu iskaga harayo ciyaaraha dalka kaddib markii si aan xaq ahayn loogu diidey inuu u ciyaaro kooxdii uu doonayo.

Qoraalkan oo ahaa 2020 waxaa ka muuqda Cabdixaafid iyo hooyadiis oo ka dareen celinaya arrintaasi.

Ninka eedaysani waa Guddoomiyaha Xiriirka kubadda Cagta Jubbaland oo Timo jillic lagu sheegay kaasoo diidey in Cabdixaafid uu u ciyaaro kooxda Koonfur Galbeed taasoo nasiib darro keentay in Cabdixaafid uu gebi ahaanba ka haro Koobkii Maamul-goboleedyadda 2020.

Arrintan ayaa muujinaysa sababta uu u kici la’yahay isboortiga Somalia oo sidaa oo kale looga reebo dad leh hibo rasmi ah oo ay dalka heer ku gaarsiin lahaayeen haddii fursad la siiyo, sida Cabdixaafid.

Tan ugu darani se waxay tahay cidda Guddoon xiriir siisay awood uu ku go’aamiyo laacibku kooxda uu u ciyaarayo ama aanu u ciyaari karin. Waa ku takrifal awood uusan lahayn (Power abuse).

Hadalsame Media