Elon Musk oo internet-kii uu hawada ka siinayey ka jartay Ukraine (Arrinta uu ka caroodey?)

0

(Hadalsame) 14 Okt 2022 – Elon Musk ayaa waxa uu Ukraine ka jartay internet-kii isagoo ku andacoodey inuu raacayey taladii “f**k off,” oo ah hadal uu ku yiri Danjiraha xilka ka sii degaya ee Jarmanka Andrey Melnik, isaga oo diidey inuu sii wado inuu Kiev siiyo adeegyada dayax-gacmeedka Starlink oo bilaash ah.

Maamulaha shirkadda SpaceX ayaa arrintan xaqiijiyey maanta. Waxa uu u jawaabayey weriye ka socda Kyiv Post, kaas oo dadka la wadaagey wararka ku saabsan dalabka shirkadda ee ah in Pentagon uu bixiyo biilka sii kordhaya ee Ukraine wuxuuna xusay caaydii Melnik ee dhowayd.

“Waxaan kaliya raacaynaa taladiisa,” ayuu Musk kusoo qoray Twitter, isagoo qoraalka raaciyey ‘qof wax diiddan’ emoji muujinaya.

Melnik ayaa ku canaantay Musk barta Twitter-ka usbuucii hore, kaddib markii bilyaneerka Maraykanku uu keenay qorshe nabadeed oo dhexmara Ukraine-Ruushka kaasoo ay Ukraine uga samarayso dhulka laga qabsaday islamarkaana ay ku qaadanayso maqaam dhexdhexaad ah.

Qaar badan oo ka mid ah mas’uuliyiinta Ukraine ayaa diidey hindisahan iyaga oo xanaaqsan.

Melnik ayaana ka mid ahaa raggii caayey bilyaneerka waloow uu sheegay in fariintiisa Musk ay ahayd “jawaab diblomaasiyadeed.”

Ukraine ayaan heli doonin wax u bedela internet-ka Musk ee ay hawada ka isticmaalayeen xilli la jaray kaabayaashii isgaarsiineed ee dalkan.

Hadalsame Media