“Waxay dhimatay annaga oo aan waxba u tari karin” – Cudur halis ah oo ubadka Muqdisho & dalkaba kusoo kordhaya (Dhacdo dhab ah?)

0

(Muqdisho) 15 Okt 2022 – BARAARUG: Maxaan ka bartay Geeridii Yalmaas?

Ma rabo inaan ku dheeraado xanuunka ay leedahay aabbe iyo hooyo ubadkooda indhaha uun ka daawanayey kaddib markii loo sheegay in aan dalka waxba looga qaban karin xanuunka haya.

Kolley gabadheenii ku tagtay inkastoo waqtigeedii halkaas ku ekaa haddana waan hubaa xaaladaasi oo kale inay maanta haysato dad badani oo ay carruur ku jiraan kuwaasoo qoysaskoodii ay dhabana-hays la dul fadhiyaan.

Xaqiijinta kororka halista Wadna-xanuunka uma hayo tirakoob (statistics) dhab ah balse waxaan oddorosayaa halbeegyo aan ka helay qaar ka mid ah cusbitaalladii aan gabadheyda la miciin bidnay mudadii aan la tacaaleynay xanuunkeeda.

Tusaalaha koowaad waxaa iiga filan Dr. Maxamed Mukhtaar oo ku takhasusay cudurrada Wadnaha ayaa cusbitaal Digfeer iigu sheegay in uu gacanta ku hayo in ka badan 100 kiis oo ah halista cudurrada Wadnaha kuwaasoo badankooda u baahan dawayn dibedda ah, sidoo kale cusbitaalka Yerdameli ayaa tiro intaas ku dhow u diiwaan gashan yihiin sidey ii sheegeen qaar ka mid ah dhakhaatiirka ka howlgasha halkaasi.

Haddaba, adigoo labadaas cusbitaal ka shidaal qaadanaya muxuu noqon karaa maxsuulka kuu soo baxaya celcelis ahaan marka lagu daro goobaha kale ee caafimaadka.

Carruurta ku dhasha Wadnaha daloola sida Yalmaas oo kale ayaa ah Kiis aad isku soo taraaya oo u baahan cilmibaaris lagu ogaanayo heerka uu gaarsiisan yahay iyo waxyaabaha sababay kororka kiiskaas oo ah mid aan caadi ahayn, balse waxaa iswaydiin leh yay howshaasi u taallaa ma Wasaaradda Caafimaadka mise hay’adaha kale ee madaxa bannaan sida Ururka Dhakhaatiirta oo kale?

Jaawaabta idinka ayaan idiin daayey, waxaase hubaal ah haddii aan loo istaagin wax ka qabashada xaaladaasi in aan waayi doonno carruur fara badan oo ah ubixii dalka iyo mustaqbalkii berri.

Wadne-daloolka ubadka ku dhasha billowgiisa hore markii daawada loo qaato wuxuu u muuqanayaa sidii mid bogsoonaya oo cunugga Tamar iyo caafimaad ayaa laga dareemayaa balse mar dambe ayaa laga yaabaa saameyntiisa iney soo laba kacleyso sidii gabadheena ku dhacday oo kale ilaa ugu dambeyn ay u geeriyootay, sidaa daraaddeed dhakhaatiirta waxey kula talinayaa waalidka la socodka xaaladda caafimaad ee ubadkooda laga billaabo maalinta lagu sheego xanuunka Wadnaha, intey goori-goor tahayna daweyn rasmi ah u raadiyaan ubadka.

Qaybta kale waxaan kaga hadli doonaa Insha Allah hay’ado iyo shaqsiyaad u taagaan daweynta dadka u baahan caafimaad dibadda balse aan shaac-baxsanayn hay’adahaasi iyo caqabado ku horgudban.

W; Q: Max’ed Abuukar Ma’da, aabbaha Yalmaas Yariisey.

Hadalsame Media