Xisbiyada midigta ah oo heshiiyey (Maxaa iska bedeli doona min socdaalka, dhalashada, kaalmada ilaa A-kassa?)

0

(Stockholm) 14 Okt 2022 – Xisbiyada midigta ah ee helay doorashada Sweden ayaa heshiis gaarey iyadoo L, KD iyo M ay ka mid noqon doonaan Dowladda Ulf Kristersson, sida lagaga shaaciyay shirkii jaraa’id oo ay sidoo kale ka qaybgaleen xisbiga Sverigedemokraterna (SD).

“Waxa aanu ku heshiinay heshiis aanu is leenahay waxa uu u fiican yahay Iswiidhan,” ayuu yidhi Ulf Kristersson (M).

Qodobkii la isku mari la’aa intii lagu jirey wada xaajoodka dawladda ayaa ahaa in xisbiga Libaraalku uu ka mid noqdo dowladda cusub. Hadda way caddahay in xisbigu uu boos ka heli doono Xukuumadda Ulf Kristersson.

ARRINTA SD –  Xisbigu xilal wasiirro ka qaban maayo Xukuumadda Kristersson balse way la shaqaynayaan iyadoo la fulinayo ajendayaal badan oo ay wataan oo muhim ah, sida uu sheegay Jimmie Åkesson oo shirka saxaafadeed ka hadlay.

SD ayaa doonaysa in isbedello dhowr ah laga sameeyo dhanka siyaasadda socdaalka, iyadoo la xadidi doono xuquuqaha magangelyo doonka halka dalabyo cusub lagu kordhinayo qofkii doonaya inuu qaato dhalashada Sweden iyo in la muddeeyo iqaamada degganaanta.

Ebba Busch oo KD ah ayaa wadda hindise ah in dib u eegis lagu sameeyo caafimaadka iyo goobaha dhalmada, sidoo kalena la fuliyo heshiiska cimilada ee Paris iyo in la dhiso xarumo nukliyeer.

Johan Pehrson (L) ayaa isna soo jeediyey in sharci cusub oo dugsiyada friskol-ka ah looga goosanayo lacagta haddii ay keeni waayaan natiijo wanaagsan.

Xagga dhaqaalaha, waxaa la xadidi doonaa lacagta deeqda ah taasoo horay loo ballanqaaday.

Yeelkeede, Sanduuqa A-kassa ee lacagta siiya dadka shaqayn jirey marka ay shaqadu ka dhamaato, si kastaba ha ahaatee, isaga waxa loo dayn doonaa sidiisa.

Hadalsame Media