NATO oo samaynaysa dhoollatus halis ah & Ruushka oo xisaab khaldan isku dhufsan kara

0

(Hadalsame) 12 Okt 2022 – NATO ayaa xaqiijisay in ay ku taagan tahay qorshaha dhoollatuskeeda sanadlaha ah ee Nukliyeerka, xitaa tiiyoo uu sii kordhayo walaaca ku aaddan in khilaafka Ruushka iyo Ukraine uu keeni karo iska horimaad toos ah oo masiibo ah oo dhexmara Moscow iyo Gaashaanbuurtan reer Galbeedka ah.

“Kani waa dhoollatus joogto ah, kaas oo dhaca sanad walba, si aan u ilaalinno badbaadadeenna amni,” ayuu Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg u sheegay suxufiyiinta Talaadadii.

Dhoollatuskan, oo loo yaqaanno Steadfast Noon, ayaa la qaban doonaa toddobaadka soo socda.

Waxay caadi ahaan isu keenaan daraasiin diyaarado ah oo ka kala socda wadamada xubnaha ka ah NATO oo 30 dal ah, si loo fuliyo dhoollatus nukliyeer ah, balse diyaaraduhu caadi ahaan sooma qaadaan madaxyo nool oo nukliyeer ah oo rasmi ah.

Madaxwaynaha Maraykanka Joe Biden ayaa todobaadkii hore ka digey in Ruushka iyo reer Galbeedku ay wajahayaan khatar wayn oo ah waxa loo yaqaan Malxamah ama “Armageddoon” oo ah in nukliyeer la isku dagaalo taasoo ah khatar ka wayn tan iyo markii ay dhacday xasaraddii gantaalaha ee Cuba 40 sano kahor.

Madaxwayne Vladimir Putin ayaa dhanka kale isna wacad ku maray in Ruushku uu adeegsan doono “dhammaan dariiqooyinka uu heli karo” si uu u difaaco dadkooda iyo dhulkooda – bayaan ay Washington iyo xulafadeeda NATO ku micneeyeen khatar muujinaysa inuu adeegsan karo hubka nukliyeerka.

Mar Stoltenberg la waydiiyey in arrintani keeni karto xisaab khaldan oo uu Ruushku isku dhufsado wuxuu meesha ka saaray walaaca noocaas ah.

Hadalsame Media