”Waa inaad ciidan qaran dhisataan” – Dal Somalia u ballanqaaday inuu siinayo agab ciidan oo muhim ah

0

(Hadalsame) 12 Okt 2022 – Madaxwaynaha Uganda ee Yoweri Museveni ayaa u xaqiijiyey in dalka Somalia oo uu Madaxwayneheedu halkaa booqasho ku joogo ay dowladdiisu siin doonto agab dheeri ah oo ciidan.

MW Yoweri Museveni ayaa ayaa hadalkan ka sheegay aqalka Madaxtooyada dalkaasi Uganda oo ku taalla degaanka Entebbe oo ka yara baxsan Kampala, halkaasoo uu kula kulmay MW DF Somalia iyo wefdigiisa oo markii 2-aad halkaa gaarey.

“Waxaan ku siin doonaa qalab dheeraad ah si aad wax uga qabato xaaladda amniga. Waxaa kale oo uu gobolku ka shaqayn karaa bixinta qalab kale, balse waa inaad leedahay qorshe aad ku dhisayso ciidan qaran. Shacabku waa inay dhistaan ciidankooda si ay isu difaacaan,” ayuu yiri MW Uganda oo aan cayimin agabka ay siinayaan Somalia, waloow la hubo inaysan Uganda wax badan ku kordhin karin Somalia.

MW Somalia ayaa isna boorriyey doorka Ciidamada Uganda oo ah ciidanka millateri ee ugu xooggan ATMIS (ex AMISOM), iyo doorka ay ka qaateen la dagaallanka argagixisada, sida uu yiri.

Md Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku faanay in ciidamada Soomaaliya ay guulo waawayn ka gaareen kor u qaadista amniga iyo dagaalladii ugu dambeeyey ee ka dhanka ah Al Shabaab, isagoo bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada.

MW Somalia ayaa rajeeyey in muddo 6 bilood gudohood ah ay DF Somalia gacanta ku wada dhigi doonto dhammaan dhulalka ay ku sugan yihiin Shabaabku.

Museveni ayaa Somalia hadda kahor ku sheegay inay qabto AIDS siyaasadeed maadaama ay tahay dal aan lahayn nidaam dhala ciidan difaaca ammaankeedana suga.

Hadalsame Media