WAR CUSUB: Dhuumaha saliidda Ruushka ee berriga mara oo iyagana la dalooliyey (Imisa dal ayaa ku xiran?)

0

(Hadalsame) 12 Okt 2022 – Shirkadda Polish-ka ee PERN ayaa sheegtay in la ogaaday meel ay shidaalka ka daynayaan dhuumaha Druzhba, er saliidda Ruushka gaarsiiya Jarmanka.

Liiggan ayaa lagu ogaadey goor dambe oo Talaadadii ah nidaamyada iswada ee dhuumaha, meel 70 kiiloomitir u jirta magaalada Plock ee bartamaha Poland, sida ay shirkaddu ku sheegtay bayaan cusub.

Qaybta liigaysa ayaa islamarkiiba la damiyey, halka dhuunta 2-aad ay usii shaqaynayso sidii caadiga ahayd, sida ay shirkaddu sheegtay.

“Xilligan, sababaha keenay liiggan lama garanayo,” ayay tiri PERN, iyadoo ku dartay in shaqaalaheeda iyo dab-demiska la geeyey goobta si ay u qiimeeyaan xaaladda una sugaan ammaanka aagga.

Dhuunta Druzhba waa mid ka mid ah shabakadaha ugu waawayn adduunka ee qaada saliidda, taasoo uu dhererkeedu dhan yahay 4,000km waxayna saliidda Ruushka u qaaddaa Ukraine, Belarus, Poland, Hungary, Slovakia, Czech Republic, Austria iyo Germany.

Arrintan ayaa ka qara wayn qaraxii 26kii Sebt., lala eegtay dhuumaha Nordstream.

Hadalsame Media