“Waxay isku rabaan ludda & lafta” – Maraykanka oo qorshaynaya inuu dhirbaaxo kulul ku dhufto dal Muslim ah

0

(Hadalsame) 11 Okt 2022 – Senetarrada Maraykanka ee Richard Blumenthal iyo Ro Khanna ayaa ku eedeeyey Boqortooyada Sucuudi Carabiya “inay Ruushka kula shaqeeyaan” dagaalka Ukraine kaddib markii ay jareen kootada wax soo saarka saliidda ee OPEC, taasoo loo malaynayo inay kor u qaadayso dakhliga tamarta ee Moscow, marka la eego tafsiirka Washington.

Labadan siyaasi oo ka kala tirsan Xisbiga talada haya ee Dimoqraadiga ayaa xitaa ku baaqay in la joojiyo iibinta hubka si loo ciqaabo nidaamka Riyaad oo ay ku tilmaameen mid ludda iyo laftaba isku rabta.

“Maraykanku ma aha in uu si aan xadidnayn u siiyo nidaamka difaaca istiraatijiyadeed dal isbahaysi la lah cadawgeenna ugu wayn – nin wax ku baada nukliyeerka [Madaxwaynaha Ruushka] Vladimir Putin,” Blumenthal, Khanna iyo borofisarka ganacsiga ee Yale, Jeffrey Sonnenfeld ayaa sidaa ku qoray Politico.

Waxa ay intaa ku dareen in Talaadadan maanta ah ay soo jeedin doonaan sharci ay hor gaynayaan labada aqal ee Koongarayska ee Senet-ka iyo Aqalka Hoose ee Wakiillada si deg deg loogu joojiyo hubka uu Maraykanku ka iibiyo Sucuudiga.

Isniintii, Guddoomiyaha Guddiga Xiriirka Dibedda ee Senet-ka, Bob Menendez, ayaa sidoo kale ugu baaqay Dowladda Maraykanka inay joojiso dhammaan dhinacyada iskaashi ee ay la leedahay Sacuudiga.

“Si fudud ma jirto meel loogu wada ciyaaro labada dhinac ee is haya,” ayuu yiri, isaga oo raaciyey “ma iftiimin doonno wax wada-shaqayn ah oo lala yeesho Riyaad ilaa inta Boqortooyadu ay dib u qiimaynayso mowqifkeeda ku saabsan dagaalka Ukraine.” ayuu ku dooday.

Hadalsame Media