CCW oo sheegay dal ka caga jiidaya in Somalia la caawiyo (Lacag balaayiin ah oo ku xayiran sanduuq gaar ah)

0

(Hadalsame) 11 Okt 2022 – UK waxay lumisay kaalintii hoggaamineed ee ay ku lahayd caalamka, waxayna gabtay xulafadeeda, sida uu sheegay Ergayga Abaarta ugu qaybtan DF Soomaaliya.

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Ergayga Madaxwaynaha Soomaaliya u qaabilsan Kahortagga Abaaraha ayaa sheegay in Britain ay markii hore kaalinta labaad ka ahaan jirtey Maraykanka oo door muhiim ah ka gala fagaarayaasha caalamiga ah, balse ay taas haatan ka siibatey, isagoo sheegay in dalal ay ka mid tahay Somalia looga tegey taageero la’aan si ay kaligeed ula xaasho “xaqiiqda cusub ee cimilada is bedelaysa”.

Waraysi uu siiyey warqaadka The Guardian, Cabdishakuur waxa uu sheegay in ay aad looga xumaado in beesha caalamku ay iska indha tirto macluusha socota ayna ku guuldarraysatay inay ka soo baxdo ballanqaadkii dheeraa ee ahaa in ummadaha saboolka ihi ay helaan £87.5bilyan oo gini oo ku jirta sanduuqa cimilada si loo yareeyo dhibaatada.

“Abaartii 2017-kii, UK iyo hoggaankeedu waxay ahaayeen kuwo muhim u ahaa, dhanka u ololaynta iyo hoggaanka oo tamar badan bay hayeen, waxaanay ku dhiirigelisey dadka aniga oo kale ah inay buuxiyaan ballanqaadkaas. UK waa saaxiibka wayn ee Soomaaliya laakiin taasi hadda meesha waa ka baxday.” ayuu yiri isagoo xusay in UK ay weli gacan wayn ka gaysato arrimaha ammaanka.

Cabdishakuur ayaa sheegay in helitaanka lacagaha xasaradaha cimilada ee ku jira sanduuqa cimiladu ay Soomaaliya u sahli karto in ay keento tiknoolajiyadda iyo kaabayaasha dhaqaalaha si ay u taageeraan una dhisaan beeraha iyo kalluumeysiga.

Hadalsame Media