Sweden oo si cad u diiddey inay Ruushka la wadaagto wixii kasoo baxay baaristii qaraxa (Putin oo arrinta qabyaaladeeyey)

0

(Stockholm) 11 Okt 2022 – Sweden ayaa sheegtay inaysan Ruushka la wadaagi doonin natiijada baaritaankeeda qaraxyadii sida ba’an u waxyeelleeyey dhuumaha Ruushka ee Nord Stream 1 iyo 2 dabayaaqadii bishii Sebtembar, sida ay sheegtay Ra’iisul Wasaare Magdalena Andersson.

Sweden ayaa sheegtay in ay heleen cadaymo muujinaya in weerarku kharribaad ahaa, halka Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin uu horraanba tilmaamay in Moscow ay ogtahay cidda sida wayn uga faa’iidaysanaysa weerarka.

Iyadoo la hadlaysey suxufiyiinta isniintii, Andersson waxay sharraxday “in baaritaanadooda hordhaca ihi ay qarsoodi, yihiin.”

Si kastaba ha ahaatee, waxay xustay, in Ruushku uu baaritaan iskiis ah ku samayn karo goobta haddii uu rabo, maadaama Stockholm ay meesha ka qaadday xarkaha baarista ee ay ku xirtey marka goob la baarayo.

Dhiggeeda Moscow, Ra’iisul Wasaare Mikhail Mishustin ayaa ku boorriyey Stockholm inay u ogolaato mas’uuliyiinta Ruushka iyo shirkadda tamarta ee Gazprom ee ay dowladdu leedahay inay ka qaybqaataan baaritaanka.

Horaantii, MW Putin ayaa wuxuu  arrintan ku eedeeyey wax uu ku sheegay “Anglo-Saxon”, oo ah isbahaysiga Maraykanka iyo UK, inay ka dambeeyaan wax ay Moscow ku tilmaantay “fal argagixiso caalami ah.”

Sweden ayaa ka mid ah dalalka inta badan ay dadkoodu ku abtirsadaan Angalo-Saxon oo ah 2 qabiil oo Jarman ah.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ee Antony Blinken ayaa weerarkan ku tilmaamay “fursad wayn” oo Yurub ay “hal mar uga xoroobi karto ku tiirsanaanta tamarta Ruushka”.

Hadalsame Media